MADAXWEYNAHA BURUNDI AHNA GUDDOOMIYAHA MIDOWGA AFRIKA EVARISTE NDAYISHIMIYE OO HAMBALYO U DIRAY RA’IISUL WASAARE ABIY AXMED

Addis ABABA, Koxdin,Meskerem, 25,2019 E.C. (ENA):- Guddoomiyaha Midowga Afrika ee xiligan ahna Madaxweynaha Burundi, Evariste Ndayishimiye, ayaa farriin hambalyo ah u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed (Dr.).

 

Golaha 7-aad ee Wakiillada Shacabka ayaa maanta, kalfadhigiisii 1-aad ee caadiga ahaa ee sannadka 1-aad ee xilliga shaqo ee Baarlamaanka ayaa Abiy Ahmed (Dr.) u doortay Ra’iisul Wasaaraha JDFI. 

 

Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Burundi, Evariste Ndayishimiye, ayaa farriin uu soo diray ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) dib-u-doorashadiisa xilka Ra’iisul Wasaaraha.

 

#DalWeyn #ShacabWeyn #HimiloWeyn

Wakaalada Warka Itoobiya
2015