GUDDOOMIYAHA GUDDIGA MIDOWGA AFRIKA MAXAMUUD CALI YUUSUF OO HAMBALYO U DIRAY RA’IISUL WASAARE ABIY AHMED (DR.)

Addis Ababa; 25 Meskerem 2019 E.C. (ENA):- Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa farriin hambalyo ah u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed (Dr.).

 

Golaha 7-aad ee Wakiillada Shacabka ayaa maanta, kalfadhigiisii 1-aad ee caadiga ahaa ee sannadka 1-aad ee xilliga shaqo ee baarlamaanka, Abiy Ahmed (Dr.) u doortay Ra’iisul Wasaaraha JDFI .

 

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay inuu doonayo inuu hambalyo u diro Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) kaddib markii mar kale loo doortay xilka Ra’iisul Wasaarenimada.

 

Waxa uu intaas ku daray in Itoobiya oo ah xarunta dhexe ee Midowga Afrika iyo caasimadda diblomaasiyadda Afrika, ay meel gaar ah kaga jirto qaaradda Afrika iyo shacabkeeda.

 

Ugu dambayn Guddoomiyaha ayaa farriintiisa ku xusay in Midowga Afrika uu sii wadi doono wada-shaqeyn dhow oo uu la yeesho Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) Dawlada Itoobiya, si loo xoojiyo ajandayaasha isku-xirka Afrika, nabadda, amniga iyo horumarka qaaradda.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015