MADAXWEYNAHA KOONFUR AFRIKA CYRIL RAMAPHOSA OO BOOQASHO RASMI AH KU YIMID ITOOBIYA - ENA Af-Soomaali
MADAXWEYNAHA KOONFUR AFRIKA CYRIL RAMAPHOSA OO BOOQASHO RASMI AH KU YIMID ITOOBIYA
Addis Ababa, Koxdin,Meskerem, 25,2019.l (ENA):- Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa Itoobiya ku yimid booqasho rasmi ah oo shaqo.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa sheegay inuu si diirran u soo dhaweeyay Madaxweyne Cyril Ramaphosa, sida uu ku sheegay farriin uu ku baahiyay Barta u baraha bulshada ku leedahay .
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Afrika farriinta hambalyada ah ee uu u diray munaasabadda maanta loo dabaaldegayo dhismaha Dawlada Wadajirka.
Waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Koonfur Afrika ay leeyihiin xiriir adag oo taariikhi ah, kaas oo ku dhisan sida ay labada dal uga go’an tahay midnimada qaaradda Afrika, nabadda, horumarka iyo mustaqbal ifaya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu rajaynayo in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal, lana adkeeyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Koonfur Afrika.