ARAGTIDA ITOOBIYA WAXAY HIRGASHAA MARKA AY HOGGAAMIYAAN MASKAX FIKIRAYSA IYO GACMO SHAQAYNAYA :– MADAXWEYNE TAYE ATSQE SELASSIE - ENA Af-Soomaali
ARAGTIDA ITOOBIYA WAXAY HIRGASHAA MARKA AY HOGGAAMIYAAN MASKAX FIKIRAYSA IYO GACMO SHAQAYNAYA :– MADAXWEYNE TAYE ATSQE SELASSIE
Addis Ababa, Koxdin,Meskerem, 25,2019 (ENA):- Madaxweynaha Itoobiya, Taye Atske Selassie, ayaa sheegay in aragtida Itoobiya ay hirgasho oo ay sii adkaato marka ay hoggaamiyaan maskax fikiraysa iyo gacmo shaqaynaya.
Golaha 7-aad ee Wakiillada Shacabka ayaa maanta, kalfadhigiisii 1-aad ee caadiga ahaa ee sannadka 1-aad ee xilliga shaqo ee Baarlamaanka 7aad Abiy Ahmed (Dr.) u doortay Ra’iisul Wasaaraha JDFI .
Madaxweyne Taye Atske Selassie ayaa farriintiisa ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) maanta dib loogu doortay xilka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.
Madaxweyne Taye Atske Selassie waxa uu xusay in himilada Itoobiya ay hirgasho oo ay sii adkaato marka ay hoggaamiyaan maskax fikiraysa iyo gacmo shaqaynaya.
Ugu dambayn wuxuu sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha u rajeeyay muddo-xileed shaqo oo guul iyo miro-dhal leh, si uu ugu adeego Itoobiya oo ah dal taariikhi ah, isagoo u muujiyay hambalyo iyo rajo wanaagsan.