Itoobiya waxay mar walba diyaar u tahay ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimada dhulkeeda iyo danaha qarankeeda ee muhiimka ah: – Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Addis Ababa, Koxdin /Meskerem 2019 (ENA):- Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka ayaa sheegtay in dalku mar walba diyaar u yahay ilaalinta madax-bannaanidiisa, midnimada dhulkiisa iyo danaha qaranka ee muhiimka ah.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bayaan ay soo saartay ku xustay in Itoobiya ay tahay halka uu ka soo burqado/bilaabmo webiga Abay, iyadoo inta badan biyaha webiga Abay ay ka soo burqadaan dhulka sare ee Itoobiya. Sidaas darteed, Itoobiya waxay ku biirisaa 85 boqolkiiba guud ahaan biyaha webiga.

 

Wasaaraddu waxay xustay in dhammaan wada-xaajoodka la xiriira isticmaalka iyo maamulka webiga Abay ay tahay inay tixgeliyaan xaqiiqooyinkan aasaasiga ah.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xaqiijisay in Itoobiya ay sii wadi doonto xoojinta xiriirrada nabadeed, is-ixtiraamka iyo iskaashiga gobolka, 

 

Ugu damabayn wasarada arimaha ayaa xustay in Itoobiya mar walba diyaar u tahay ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimada dhulkeeda iyo danaha qarankeeda ee muhiimka ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015