Maayarka ismamulka Diridhaba mudane Cabdilahi Aadan yusuf oo Booqday Mashruuca Barkadda Biyaha lacabo ee Malka oo maraaya marxaladisa 3aad.

Dirdhaba: Koxdin 24/2019 (ENA): Maayarka ismaamulka Diridhaba, Mudane Cabdillaahi Aadan Yuusuf, ayaa booqday goobta biyaha laga qaybinayo ee Malka, halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay xubnaha gacanta ku haya hirgelinta mashruuca.

 

Masuuliyiinta iyo khubarada ka hawlgala mashruucan ayaa Duqa uga warbixiyay xaaladda uu hadda marayo mashruucu, hawlaha la qabtay iyo qorshaha lagu sii ambaqaadayo shaqada.

 

Duqa ismaamulka diri dhaba mudane cabdulahi aadan ayaa intii uu ku guda jiray booqashada si toos ah u eegay shaqada ka socota goobta, isaga oo u kuur galay marxaladaha kala duwan ee uu mashruucu marayo.

 

Mashruuca barkadda biyaha ee Malka ayaa ka mid ah mashaariicda la xiriira kaabayaasha adeegga biyaha, kuwaas oo muhiim u ah bulshada iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee Ismaamulka Diridhaba.

 

Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli maamulka cusub ee Ismaamulka diri dhaba uu bilaabay la-socodka mashaariicda iyo hawlaha horumarineed ee ka socda magaalada iyo nawaaxigeeda.

 

#dalweyn

#ENA

Wakaalada Warka Itoobiya
2015