Dawladda Cusub ee maanta la dhisayo maxaa laga Filayaa inay Qabato?

Addis Ababa; Koxdin 25/2019 (ENA): Dowladda cusub waxaa laga filayaa inay sii waddo kobaca dhaqaalaha qaranka iyadoo dhameystiraysa mashaariicda waaweyn ee si dhakhso leh oo hufan loo bilaabay, sida ay sheegeen aqoonyahannadu.

 

Itoobiya waxay muujisay inag tahay dal weyn, iany leedahay shacab weyn, iyo aragti weyn iyadoo bilowday oo dhammaystirtay mashaariic waaweyn oo hubinaya faa'iidada guud ee muwaadiniinteeda.

 

Waxaa xusid mudan in markii Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu furay Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya, uu ku dhawaaqay dhismaha mashruuc horumarineed oo qaran oo ballaaran oo qiimihiisu yahay 30 bilyan oo doolar.

 

Mashaariicda waaweyn ee waqtigaas lagu dhawaaqay waxaa ka mid ahaa warshad nukliyeer ah oo ujeeddooyin nabadeed leh, warshad gaas ah, warshad sifeyn saliid ah, garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Afrika, dhismaha warshadda gaaska labaad, warshad bacrimin ah, iyo dhismaha 1.5 milyan oo guri.

 

Dhaqaaleyahanno ay wareysatay ENA ayaa xusay in dowladda cusub ay tahay inay diiradda saarto dhammaystirka mashaariicda waaweyn ee la bilaabay muddada loo cayimay iyo tayada si loo sii wado kobaca dhaqaale ee degdegga ah ee hadda laga diiwaan gelinayo Itoobiya loona hubiyo faa'iidada dadka.

 

Madaxweynaha Ururka Khubarada Dhaqaalaha Itoobiya iyo Macallin ka tirsan Waaxda Dhaqaalaha ee Jaamacadda Addis Ababa, Brofessor Tassew Woldehana, ayaa yiri; Isbeddellada siyaasadda iyo dib-u-habaynta ee ay dawladdu qaadatay ayaa si weyn uga qayb qaatay sidii kobaca dhaqaale ee degdegga ah ee laga diiwaan geliyay Itoobiya uu u noqon lahaa mid waara.

 

Intaa waxaa dheer, mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee laga fulinayo qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha ee dalka; mashaariicda waaweyn waa hab lagu dhiso waddan leh madaxbannaani dhaqaale oo la hubo, ayuu yiri.

 

Tusaale ahaan, wuxuu sharraxay in hawlaha la qabtay si loo hagaajiyo sahayda korontada, loo casriyeeyo gaadiidka, loo hagaajiyo waaxda beeraha, iyo hawlaha kala duwan ee lagu sameeyay dijitaalka ay si weyn uga qayb qaadan doonaan horumarka dalka.

 

Wuxuu raaciyay inay sidoo kale habboon tahay in la arko kaalinta ay hawlaha horumarinta daanta webiga iyo marinnada ay ku leeyihiin dhaqaalaha.

 

Brofessor Tassew ayaa raaciyay; Dib-u-habaynta laga hirgeliyay qaybta dhaqaalaha guud ee Itoobiya ayaa dhiirrigelisay socodka maalgashiga Itoobiya waxayna abuurtay jawi wanaagsan oo loogu talagalay maalgashadayaasha.

 

Dhaqaale Dr. Berhanu Alemu, ayaa dhankiisa sheegay in diiradda la saarayo Itoobiya ee ku aaddan dhisidda awoodda lagu bilaabayo laguna dhammaystirayo mashaariicda waaweyn ay dardargelin doonto kobaca dhaqaale ee waara.

 

Wuxuu sharraxay in mashaariicdan horumarineed ee waaweyn aysan kaliya dhisayn dhaqaale qaran oo xooggan, laakiin sidoo kale ay yihiin kheyraad awood u siin doona dalka inuu dhaqaale ahaan tartan ugu jiro Afrika iyo caalamka.

 

Tusaale ahaan, Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya, marka laga soo tago kordhinta sahayda tamarta iyo kordhinta wax soo saarka, waxay si cad u muujin doonaa kaalinta muhiimka ah ee mashruucu ku leeyahay dhaqaalaha dalka, ayuu tilmaamay.

 

Wuxuu sheegay in u gudubka dhismaha warshadda bacriminta iyo mashaariicda Garoonka Diyaaradaha ee Bishoftu ay hubin doonaan horumarka dalka iyadoo la casriyeynayo qaybaha beeraha iyo gaadiidka.

 

Sida ay sheegeen aqoonyahannada; Dhammaystirka mashaariicda waaweyn ee ka bilaabmay dalka si dhakhso leh oo tayo leh waxay abuuri doontaa awood weyn oo loogu talagalay kobaca dhaqaalaha ee waara iyo isdhexgalka qaybaha badan.

 

Si guushan qaran ee weyn ay u noqoto mid rumowda, dowladda cusub waa inay gudataa mas'uuliyadeeda oo ay ugu baaqdaa aqoonyahannada, bulshada iyo daneeyayaasha inay doorkooda ka qaataan horumarinta iyagoo ku taageeraya aqoon iyo kheyraad.

 

 

#ENA

Wakaalada Warka Itoobiya
2015