WAXAA DEEGAANKA TIGRAY LAGA WADAA IN LA DHISO MAAMUL KU -MEEL -GAAR AH OO CUSUB , IYADOO DOORASHO DEEGAAN LAGU QABANAYO MUDDO BILO GUDAHOOD AH :- ABRIHAAM BELAY (DR) - ENA Af-Soomaali
WAXAA DEEGAANKA TIGRAY LAGA WADAA IN LA DHISO MAAMUL KU -MEEL -GAAR AH OO CUSUB , IYADOO DOORASHO DEEGAAN LAGU QABANAYO MUDDO BILO GUDAHOOD AH :- ABRIHAAM BELAY (DR)
Addis Ababa,Koxdin,23, 2019 (ENA) Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay dergaanka Tigray ka hirgelinayso hannaan maamul oo cusub, kaas oo shacabka deegaanka u saamaxaya inay is-maamulaan, si loo soo dadajiyo nabadda iyo xasilloonida Deeganka sida uu sheegay Dr. Abrihaam Belay.
Abrihaam Belay (Dr.) ayaa wareysi uu ka bixiyay xaaladda taagan deeganak Tigray ayaa xusay in xilligan ciidamada difaaca qaranka dalku ay Deegaanka Tigray ka saarayaan xoogagga sharci-darrada ah TPLF .
Waxa uu intaas ku daray in tallaabadaas kaddib la dhisi doono qaabab maamul oo cusub oo ka soo bilaabanaya heerka xafadedeed/kebelaha, iyadoo ay shacabka si toos ah uga qaybqaadanayaan geeddi-socodka dhismaha maamulka.
Waxa kale oo uu xusay in geeddi-socodka kala-guurka ah lagu soo gabagabeyn doono muddo gaaban, isla markaana diyaar-garow ballaaran uu socdo si doorasho looga qabto Deegaanka Tigray muddo bilo gudahood ah.
Ugu dambayn Abrihaam Belay (Dr.) ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Itoobiya inay garab istaagaan Dowladda Federaalka, ayna taageeraan geeddi-socodkan, si shacabka Tigray ay uga qaybqaataan horumarka dalka