Jigjiga — Waxaa maanta Madasha Kulamada ee Huteelka Duule lagu qabtay kulan muhiim ah oo uu soo diyaariyey Xafiiska Waxbarashada DDS

oo diiradda lagu saaray xoojinta daryeelka, waxbarashada iyo adeegyada caafimaad ee carruurta qabta Ootiisamka (Autism), iyadoo si gaar ah looga wada hadlay sidii loo heli lahaa xarun casri ah oo si dhammaystiran uga jawaabta baahiyaha gaarka ah ee carruurtan.

 

Kulanka waxaa ka soo qayb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Inj. Maxamed Shaalle isaaq Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Xuseen Xaashi Qaasim (Ph.D) wasiirro iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah, ganacsato, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Magaalada Jigjiga waxaa hore uga jiray laba dugsi oo loogu talagalay waxbarashada iyo taageerada carruurta qabta Ootiisamka. Hase yeeshee, baahida sii kordhaysa iyo adeegyada gaarka ah ee ay carruurtani u baahan yihiin ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in laga gudbo adeegyo kooban, loona tallaabo xarun isku dhafan oo bixisa waxbarasho, daryeel caafimaad, tababar iyo taageero horumarineed.

 

Kulanka maanta ayaa udub-dhexaad u ahaa qorshaha dhismaha xarun casri ah oo awood u leh inay carruurta qabta Ootiisamka siiso goob ku habboon waxbarashadooda, kobcinta xirfadahooda iyo helitaanka adeegyada daryeel ee ay u baahan yihiin.

 

Madasha waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay baaxadda mashruuca iyo dhaqaalaha loo baahan yahay hirgelintiisa, iyadoo ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Deegaanka Soomaalida lagu boorriyey inay kaalintooda ka qaataan maalgelinta mashruucan.

 

Ganacsatada deegaanka ayaa dhankooda muujiyey sida ay uga go’an tahay inay garab istaagaan carruurtan sla markaana ay qayb muuqata ka qaataan dadaalka lagu dhisayo xarunta. 

 

Carruurta qabta Ootiisamku waa carruur leh karti iyo mustaqbal u baahan in la kobciyo. Marka la helo waxbarasho ku habboon, daryeel joogto ah iyo taageero xirfadeed, waxaa la xoojin karaa awooddooda, isku-filnaanshahooda iyo ka qaybgalka nolosha qoyska iyo bulshada.

 

Dhismaha xaruntan la qorsheeyey ma noqon doono oo keliya dhisme cusub; wuxuu noqon doonaa goob waxbarasho, daryeel, rajo iyo fursad cusub u abuurta carruurta qabta Ootiisamka iyo qoysaskooda

 

XIGASHO :- SRTV SOMALI

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015