ITOOBIYA WAA DAL DIB-U-SOO-KABASHO KU JIRA OO KU WAJAHAN MEEQAAM SARE OO KU HABBOON

Itoobiya waxay ku jirtaa geeddi-socod dib-u-soo-kabasho ah oo ay ku doonayso inay dib u hantido kaalinta taariikheed ee ku habboon. Iyadoo si bisayl leh uga gudbaysa caqabadihii iyo dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ay la kulantay muddadii dheerayd ee soo martay, ayay ku sii siqaysaa himiladeeda ah inay gaarto heerka sare ee ay hiigsanayso.

 

Dalku wuxuu jebiyey sheekadii quusta ee ahayd “lama samayn karo” isaga oo hirgeliyey Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya (GERD), taas oo sidoo kale Bariga Afrika u noqotay il iftiin iyo rajo. Iyadoo aanay helin kaalmo cid kale, balse ay adeegsanayso khayraadka, dadaalka, aqoonta iyo kartida shacabkeeda, Itoobiya waxay dhammaystirtay dhismaha biyo-xireenka weyn, waxayna gaadhay heer ay warshadaheeda ku shaqaysiiso tamar dib loo cusboonaysiin karo oo ku filan, isla markaana ay koronto la wadaagto dalalka deriska ah. Sidoo kale, waxay tusaale iyo waayo-aragnimo cusub ka abuurtay sida si caddaalad ah looga faa’iidaysan karo khayraadka biyaha.

 

Dhinaca kale, waaxda dalxiiska ayaa isbeddel weyn samaynaysa. Marka laga soo tago booqashada goobaha dabiiciga ah iyo kuwa dhaqanka, waxaa soo baxaya goobo dalxiis oo cusub oo la jaanqaadaya horumarka iyo awoodda dalka. Goobaha dalxiiska ee ku kala yaalla Gorgora ilaa Wenchi, Halala Kella ilaa Benu, iyo Jebera Jurjura ilaa Harad negat, ayaa furay bog cusub oo ku saabsan dalxiiska dalka. Magaalooyinkii hore ee dalka ayaa sidoo kale casriyeyn iyo dib-u-habayn lagu sameeyay, gaar ahaan mashaariicda horumarinta marinnada iyo waddooyinka, taas oo ka dhigtay kuwo soo jiidasho leh isla markaana kordhin kara muddada ay booqdayaashu ku nagaadaan.

 

Dhinaca beeraha, waxaa la bilaabay in laga gudbo habkii wax-soo-saarka ee muddo dheer lagu yaqaanay “gacan ilaa af, loona gudbo wax-soo-saar ku salaysan suuqa iyo wax-soo-saar dheeraad ah oo faa’iido laga helo. Iyadoo laga gudbayo ku-tiirsanaanta roobka, dhaqanka wax-soo-saarka sannadka oo dhan ayaa sii kobcaya. Waayo-aragnimada laga helay barnaamijyada Dhaqo oo Dheefso (Lemaт Tirufat) iyo Hindisaha Dhaxal Reebka Cagaaran (Green Legacy Initiative) ayaa sidoo kale door muuqda ka qaadanaya casriyeynta nidaamka cuntada ee Itoobiya. Dhaqashada shinnida, xanaanada digaagga, iyo wax-soo-saarka khudaarta iyo miraha ayaa si aasaasi ah isu beddelay, iyagoo ka gudbay heerka beeralayda oo keliya, kuna biiray qayb ka mid ah beeraha magaalooyinka.

 

Dhanka khayraadka macdanta ee dalka ayaa sidoo kale si ballaaran oo waafaqsan sharciga looga faa’iidaysanayaa.

 

Khayraadka qaaliga ah sida dahabka ayaa laga soo saaraya ganacsiga sharci-darrada ah, waxaana loo beddelayaa qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqaalaha dalka; halka khayraadka kale ee macdanta sida opal-ka, dhuxusha, birta iyo macdano kale ay sii kordhayaan waayo-aragnimada iyo awoodda lagu soo saaro laguna isticmaalo.

 

Natiijada guud ee dhammaan horumarradan ayaa muujinaysa in Itoobiya ay ku jirto geeddi-socod dib-u-soo-kabasho ah, iyadoo ku sii jeedda inay gaarto meeqaamka sare ee ku habboon.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015