SIRTA KA DAMBAYSA ADKAYSIGA IYO MIDNIMADA ITOOBIYA

Itoobiya waa dal weyn oo qarniyo badan soo dhisay qiyam adag oo aan la jebin karin oo ku dhisan midnimo, iyadoo si adkaysi leh uga gudubtay caqabadihii gudaha iyo dibadda ee soo wajahay, isla markaana ilaalisay madaxbannaanideeda iyo qarannimadeeda.

 

Taariikhdeennu waa halgan sharaf leh oo ku qoran guulo lagu gaaray naf-hurnimo. Waa taariikh ka tarjumaysa wejiyaal waaweyn oo ay astaamaha wadajirka iyo wada-noolaanshaha shacabka si muuqata uga dhex muuqdaan.

 

Weynaanta Itoobiya laguma cabbiro oo keliya baaxadda dhulkeeda, balse sidoo kale waxaa lagu cabbiraa taariikhda dheer ee adkaysiga leh ee shacabkeedu muujiyeen, iyagoo si wadajir ah uga hortagay caqabado adag, isla markaana weli muujinaya karti iyo adkaysi ay kaga gudbaan duruufaha kala duwan.

 

Shalay, markii ciidamadii gumaystaha Talyaanigu ay isku dayeen inay Itoobiya qabsadaan oo ay gumaystaan, Itoobiyaanka oo xilligaas wajahaya caqabado gudaha ah ayaa haddana si midaysan uga hortagay ciidamadii duullaanka ahaa, kana adkaaday. Tani waxay si dhab ah u muujisay in shacabka Itoobiya ay yihiin dad leh taariikh iyo karti ay ku difaacaan dalkooda.

 

Masarna waxay marar badan isku dayday inay duullaan ku qaaddo Itoobiya, iyadoo doonaysay inay gacanta ku dhigto dalka weyn ee uu ka soo burqado Webiga Niil.

 

Ciidanka iyo shacabka Itoobiya oo ku mideysan awoodda wadajirka ah ayaa ka hortagay isku-dayadaas, waxaana taariikhda ku xusan in Masar laga adkaaday, iyadoo dib ugu laabatay halkii ay ka timid. Qarniyo badan ayay Itoobiyaanku si ficil ah u soo bandhigeen sirta geesinimada iyo adkaysiga ay awoowayaashood uga dhaxleen, iyagoo caddeeyay awoodda ay u leeyihiin inay iska caabiyaan cadowgooda.

 

Itoobiyaanku sidoo kale waa halyeeyo horumarineed, maxa yeelay Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya ee Dib-u-curashada Itoobiya (GERD) ayaa tusaale weyn u ah arrintan. 

 

Mashruucan oo ku yimid dadaalka iyo go’aanka Itoobiyaanka ayaa ah markhaati nool oo muujinaya in marka Itoobiyaanku ay go’aan ka gaaraan inay yool ay hiigsadeen meel gaarsiiyaan, aysan si fudud uga laabanayn, balse ay ku dadaalayaan inay hadafkooda ku gaaraan ficil ahaan.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015