SAAXIIBTINIMADA ITOOBIYA IYO JABUUTI WAA TUSAALAHA SIYAASADDA DIBLOMAASIYADEED EE DERISKA MUDNAANTA SIINAYSA EE DAWLADA WADAJIRKA (MEDEMER) - ENA Af-Soomaali
SAAXIIBTINIMADA ITOOBIYA IYO JABUUTI WAA TUSAALAHA SIYAASADDA DIBLOMAASIYADEED EE DERISKA MUDNAANTA SIINAYSA EE DAWLADA WADAJIRKA (MEDEMER)
Shacabka Itoobiya iyo Jabuuti waa walaalo si qoto dheer isugu xiran taariikh, luqad, dhaqan iyo qiyam bulsho, isla markaana xiriir dhiig leh ka dhexeeyo. Taariikhda iskaashiga labada dalna waxay soo taxnayd in ka badan hal qarni.
Itoobiya waxay xilligii boqortooyadii Emperor Menelik II ka furtay Jabuuti qunsuliyaddii ugu horreysay.
Waxay ahayd ergadii diblomaasiyadeed ee ugu horreysay ee Itoobiya ka furato waddan shisheeye taariikhda.
Sannadkii 1897-kii, maamulkii Faransiiska ayaa heshiis la galay Dowladda Itoobiya, waxaana la bilaabay dhismaha khadka tareenka taariikhiga ah ee isku xira Jabuuti iyo Addis Ababa.
Kaabeyaashan ayaa tan iyo bilowgii ahaa tiir muhiim ah oo xoojiyay xiriirka ganacsi iyo isku-xirka shacabka labada dal.
Shacabka Itoobiya iyo Jabuuti waa walaalo si qoto dheer isugu xiran taariikh, luqad, dhaqan iyo qiyam bulsho, isla markaana xiriir dhiig leh ka dhexeeyo.
Xiriirkan dad-ka-dad ah ayaa loo arkaa aasaaska adag ee xiriirka siyaasadeed iyo dhaqaale, iyadoo mashaariic waaweyn oo kaabayaal ah oo labada dal laga hirgeliyay tobannaan sano ee la soo dhaafay ay suurtageliyeen in xiriirkani yeesho muuqaal istaraatiiji ah.
Si xiriirkan loo sii waaraado, waxaa la dhisay khadka tareenka korontada ee casriga ah ee Addis Ababa iyo Jabuuti, mashaariicda biyaha la cabbo ee xuduudaha ka gudba, waddooyinka xawaaraha sare leh iyo khadadka gudbinta korontada.
Arrintani waxay labada dal isku xirtay, iyadoo aan ku koobnaan oo keliya heshiis siyaasadeed, balse sidoo kale lagu xidhay kaabayaal dhaqaale iyo adeegyo.
Xilligan la joogo, xiriirka labada dal ayaa sii kobcaya. Is-weydaarsiga booqashooyinka ay sameeyaan madaxda labada dalna wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa xoojinta xiriirka.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed (Dr.) ayaa waqtiyo kala duwan booqday Jabuuti, halka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu isna booqashooyin ku yimid Itoobiya, iyagoo yeeshay wada-xajood xoojinaya xiriirka labada dhinac iyo kan gobolka.
Itoobiya, iyadoo adeegsanaysa siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee Dawlada wadajirka Medemer oo mudnaanta siinaysa deriska, saaxiibtinimada Itoobiya iyo Jabuuti waxay tusaale u tahay isku-xirka horumarineed ee ay Itoobiya ka waddo gobolka.
Saaxiibtinimada Itoobiya iyo Jabuuti waxay ku dhisan tahay mabda’a dan-wadaagga, halka madasha dadka iyo dadka ee labada dalna ay suuragelinayso in si wadajir ah wax looga qabto caqabadaha ay wadaagaan, sida socdaalka iyo isbeddelka cimilada.
Khibradda Itoobiya ee Raadka Cagaaran oo lala wadaago Jabuuti, iyo barnaamijyada beerista geedaha, ayaa ah tusaalooyin wax-ku-ool ah oo muujinaya iskaashigan.
Maanta ayaa sidoo kale la shaaciyay isku-xir istaraatiiji ah oo saaxiibtinimadan xooggan gaarsiinaya heer ka sarreeya.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.), Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo maalqabeenka Afrikaanka ah Aliko Dangote ayaa maanta si wadajir ah u bilaabay marxalad cusub oo iskaashi.
Tani waxay ku saabsan tahay mashruuc lagu dhisayo dhuun cusub oo gudbisa shidaalka la sifeeyay, taas oo isku xiri doonta Damerjog ee Jabuuti iyo Dawanle ee Itoobiya.
Mashruucu wuxuu ka koobnaan doonaa xarumo kaydinta shidaalka ah oo laga dhisayo labada dhinac, waxaana si wadajir ah u fulin doona Ethiopian Investment Holdings iyo Dangote Group.
Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in la yareeyo kharashka iyo dib-u-dhaca gaadiidka shidaalka, la hagaajiyo helitaanka tamarta, isla markaana la sii dardargeliyo marinka ganacsi ee Itoobiya iyo Jabuuti.
Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.), mashruucu wuxuu xoojin doonaa sugnaanta tamarta isagoo yareynaya kharashka iyo dib-u-dhaca saadka, wuxuuna kordhin doonaa xawaaraha iyo waaritaanka marinka ganacsi ee Itoobiya iyo Jabuuti.
Hase yeeshee, kaabahan wuxuu leeyahay macne ka ballaaran dhuun gudbinta shidaalka.
Marka laga gudbo ganacsiga iyo saadka, wuxuu ka dhigan yahay heer cusub oo iskaashi oo xoojinaya isku-xirka gobolka, kaas oo ku saleysan maalgashiga Afrikaanka iyo horumarinta wadajirka ah.
Tani waxay sidoo kale muujinaysaa jihada ay Dawlada wadajirka ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) u waddo siyaasaddeeda xiriirka dibadda ee mudnaanta siinaysa deriska, iyadoo fulinaysa mashaariic horumarineed oo isku xira dalalka gobolka, oo ay Jabuuti ka mid tahay, si loo xoojiyo isku-xirka gobolka loona horumariyo dan-wadaagga.
Waxaa la filayaa in iskaashiga laba geesoodka ah ee mustaqbalka ee Itoobiya iyo Jabuuti uu mashaariicda waaweyn ee dhaqaale iyo kaabayaal ee labada dal ka dhex bilaabmay u beddelo isku-xir goboleed oo dhammaystiran oo heer sare ah.
Waxaa la rumeysan yahay in saaxiibtinimada jiilasha ka gudubtay ee ay wadaagaan madaxda iyo shacabka labada dal, wada-noolaanshahooda iyo kalsoonidooda ay sii adkeyn doonaan saaxiibtinimada mustaqbalka ee labada dal.