KHADKA GUDBINTA WAX SOO SAARKA SHIDAALKA ITOOBIYA-JABUUTI OO TUSAALE U AH QORSHAHA KAABAYAASHA ISTIRAATIIJIGA EE LABADA DAL - ENA Af-Soomaali
KHADKA GUDBINTA WAX SOO SAARKA SHIDAALKA ITOOBIYA-JABUUTI OO TUSAALE U AH QORSHAHA KAABAYAASHA ISTIRAATIIJIGA EE LABADA DAL
Addisabab,Koxdin,14/2019 (ENA) Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sheegay in khadka gudbinta wax soo saarka shidaalka ee Itoobiya iyo Jabuuti uu tusaale u yahay qorshe kaabayaal istiraatiiji ah oo xuduudaha ka gudba, kaas oo isku xiraya labada dal.
Xafiisku waxa uu sidoo kale sheegay in ujeeddada mashruucu tahay in la wanaajiyo sugnaanta tamarta Itoobiya, kor loo qaado isku-xirka ganacsiga gobolka, isla markaana la xaqiijiyo in wax soo saarka shidaalka laga soo qaado Jabuuti loona gudbiyo Itoobiya si ammaan ah, la isku halayn karo oo hufan.
Waxa kale oo uu xusay in mashruuca lagu fulin doono maalgashi wadajir ah oo u dhexeeya Ethiopian Investment Holdings iyo Dangote Group.
Mashruucan oo dhererkiisu ku dhow yahay 120 kiiloomitir, kana socda jidka u dhexeeya Dameerjog ee Jabuuti iyo Dawanle ee Itoobiya, ayaa la tilmaamay inuu dhisi doono nidaam isku dhafan oo saadka shidaalka ah, kaas oo isku xiri doona xarumaha qaabilaadda shidaalka ee badda iyo xarumaha kaydinta xeebaha ee ku yaalla Damerjog iyo xarumaha kaydinta iyo qaybinta gudaha ee ku yaalla Dawanle.
Wax soo saarka shidaalka ee la sifeeyay ee ku jira terminalka Damerjog ayaa loo wareejin doonaa xarumaha kaydinta gaarka ah ee loo diyaariyay, kaddibna waxaa loo qaadi doonaa Dawanle iyadoo la adeegsanayo dhuun shidaal oo adeegyo kala duwan bixisa, si si ballaaran loogu qaybiyo gudaha Itoobiya, sida uu SHEEGAY xogta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.