BARNAAMIJKA DHAQO OO DHEEFSO WAA HINDISE LAGU XOOJINAYO ISKU-FILNAANSHAHA CUNTADA IYO WAX-SOO-SAARKA WAARA - ENA Af-Soomaali
BARNAAMIJKA DHAQO OO DHEEFSO WAA HINDISE LAGU XOOJINAYO ISKU-FILNAANSHAHA CUNTADA IYO WAX-SOO-SAARKA WAARA
Barnaamijka dhaqo oo Dheefso waa hindise qaran oo inta badan diiradda saaraya kordhinta wax-soo-saarka xoolaha, gaar ahaan caanaha, hilibka, ukunta iyo malabka, iyadoo ujeeddadu tahay in Itoobiya ay xaqiijiso isku-filnaanshaha cuntada iyo sugnaanta nafaqada.
Ra’iisul Wasaaraha dalka Abiy Ahmed (Dr.), ayaa si rasmi ah u daahfuray barnaamijka Dhaqo oo Dheefso (Leemaat Tirufaat) bishii Tikimt 2018 magaalada Arba Minch.
Ra’iisul Wasaaruhu, farriintii uu xilligaas jeediyay, wuxuu sheegay in ku-tiirsanaanta cuntada dibadda ay dhaawacayso sharafta dalka, isla markaana Itoobiya aysan yeelan karin madax-bannaani buuxda haddii aysan isku filnaan dhinaca cuntada ah.
Waxa uu sidoo kale ku boorriyay in guushii laga gaaray wax-soo-saarka qamadiga dhanaca barnaamijka Dhaqo oo Dheefso Sidaasi la sameeyo.
Waxa xusay in si loo abuuro jiil caafimaad qaba oo wax-soo-saar leh ay lagama maarmaan tahay in cuntada dalka lagu xoojiyo cunto nafaqo ahaan dheellitiran.
Dhanka kale sida ay sheegtay Wasaaradda Beeraha, ujeeddada ugu weyn ee barnaamijka Dhaqo oo Dheefso (Leemaat Tirufaat) uu yahay in qoysaska loo fududeeyo helitaanka cunto nafaqo leh, la yareeyo nafaqo-darrada iyo korriin-xumada carruurta, fursado shaqo oo ballaaranna loo abuuro dhallinyarada iyo haweenka, iyadoo sidoo kale la horumarinayo nolosha muwaadiniinta.
Barnaamijkan qaran ayaa sii wada hawlihiisa isaga oo ka shaqaynaya dhinacyo kala duwan oo muhiim ah oo is-dhammeystiraya.
Tiirarka muhiimka ah ee barnaamijka waxaa ka mid ah horumarinta taranka lo'da caanaha si loo kordhiyo wax-soo-saarka caanaha, in hilibka digaagga iyo ukunta laga dhigo kuwo si fudud looga heli karo heer qoys, iyo in la kordhiyo tayada iyo wax-soo-saarka malabka iyadoo la adeegsanayo finan casri ah.
Waxaa intaas dheer, in beeraha iyo dhaqashada xoolaha laga dhigo qayb ka mid ah beeraha magaalooyinka, iyadoo la sameeyay dhaqdhaqaaq ballaaran oo arrintan lagu horumarinayo, ayaa ah isbeddel weyn.
Ma aha oo keliya in wax-soo-saarka digaagga iyo ukunta uu si weyn u kordhay, balse deegaano badan ayaa sidoo kale si ballaaran looga hirgeliyay warshado lagu farsameeyo caanaha iyo xarumo lagu ururiyo wax-soo-saarka.
Barnaamijka dhaqo oo Dheefso (Leemaat Tirufaat) ayaa sidoo kale abuuray fursado shaqo oo ballaaran oo ay ka faa’iideysteen dhallinyarada iyo haweenka, isagoo noqday il dakhli oo la isku halleyn karo.
In beeraleydu, marka laga yimaado wax-soo-saarka dalagyada caadiga ah, ay awoodaan inay helaan dakhli maalinle ah, ayaa si weyn uga caawisay inay horumariyaan heerka noloshooda.
Isbeddello dhiirrigelin leh ayaa sidoo kale laga sameeyay sidii carruurta iyo hooyooyinka uurka leh loo gaarsiin lahaa cuntooyin hodan ku ah borotiinka, gaar ahaan ukunta iyo caanaha.
Heer qaran, beeraleyda iyo dadka ku nool magaalooyinka ayaa loo fududeeyay helitaanka malaayiin digaag ah oo hal maalin jira, lo’ caano oo la hagaajiyay tarankooda iyo hab casri ah oo shinni lagu dhaqdo.
Arrintan ayaa sababtay in cuntooyin markii hore qoysasku ku heli jireen oo keliya iibsasho ay hadda qoysas badan si toos ah uga soo saaraan daaradahooda iyo guryahooda.
Khibraddan ayaa si weyn uga qaybqaadanaysa kordhinta helitaanka borotiinka ee heer qoys iyo yareynta nafaqo-darrada iyo korriin-xumada carruurta.
Gaar ahaan, ballaarinta beeraha magaalooyinka ayaa si dhab ah u muujisay in dadka ku nool magaalooyinku ay xitaa dhul kooban ku yeelan karaan wax-soo-saar, iyadoo sidoo kale la arkay natiijooyin dhiirrigelin leh oo ku saabsan dadaalka loogu jiro isku-filnaanshaha cuntada.
Sidoo kale, dadaallada lagu bilaabay in hilib iyo malab tayo leh loo dhoofiyo suuqyada caalamka ayaa dalka u furay fursado cusub oo lagu kordhin karo dakhliga ka soo xarooda lacagaha qalaad.
Barnaamijka dhaqo oo Dheefso (Leemaat Tirufaat) waa qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshaha istiraatiijiga ah ee Itoobiya ay ku doonayso inay ku gaarto isku-filnaanshaha cuntada iyo horumarinta nidaamka nafaqada ee muwaadiniinteeda.
Tan iyo markii la bilaabay, barnaamijku wuxuu muujiyay natiijooyin rajo leh oo ku saabsan kobcinta wax-soo-saarka, abuurista shaqooyinka iyo isbeddelka dhaqanka shaqada.
Dhaqdhaqaaqan ayaa si gaar ah u fududeeyay in wax-soo-saarka xoolaha laga helo guryaha iyo daaradaha, taasoo gacan ka geysanaysa wax ka qabashada dhibaatada korriin-xumada carruurta.
Sidoo kale, wuxuu awood dhaqaale siinayaa soo-saareyaasha yaryar, isagoo ka caawinaya inay yeeshaan dakhli maalinle ah iyo inay dhistaan awooddooda dhaqaale.
Guud ahaan, barnaamijka Dhaqo oo Dheefso (Leemaat Tirufaat) wuxuu tusaale u yahay mid ka mid ah tallaabooyinka muhiimka ah ee dowladda Itoobiya ay qaadday si ay si joogto ah wax uga qabato caqabadaha sugnaanta cuntada ee dalka, kuwaas oo ka dhashay duruufo taariikhi ah iyo sababo kala duwan oo gudaha iyo dibadda ah.
Barnaamijku wuxuu door weyn ka qaadanayaa in caqabadaha jira ee dalka loo beddelo fursado dhaqaale oo waaweyn, iyadoo sidoo kale uu yahay guul qaran oo muhiim ah oo aasaas u noqon karta barwaaqo waarta.