MUNAASIBADDA DHAQAMIGA AH EE IRREECHA OO SANADKAN LA XUSAYO 23 ILAA 24-KA BISHAN MESKEREM - ENA Af-Soomaali
MUNAASIBADDA DHAQAMIGA AH EE IRREECHA OO SANADKAN LA XUSAYO 23 ILAA 24-KA BISHAN MESKEREM
Bishoftu,Koxdin, Meskerem 12, 2019 (ENA) Ururka abaagadaysasha ee Qoomiyda Oromada ayaa shaaciyay in dabaaldegga Munaasibadda Irreecha ee sanadkan la qaban doono 23-ka iyo 24-ka bishan Meskerem 2019.
Waxaa la xaqiijiyay in Irreecha Hora Finfinnee la xusayo 23-ka Meskerem, halka Irreecha Hora Arsadhi la xusayo 24-ka Meskerem.
Maadaama xuska Irreecha uu yahay munaasibad ka tarjumaysa mahadnaq, jacayl, midnimo iyo wadajirka bulshada, waxaa la sheegay in loo baahan yahay in loo dabaaldego iyadoo la dhowrayo dhaqanka iyo qiyamka uu xambaarsan yahay, isla markaana kor loo qaadayo sumcadda iyo muuqaalka dalka.
Munaasabadda Irreecha ee sannadka 2019-ka ayaa lagu xusi doonaa halku-dhigga “Irreecha oo loogu talagalay is-afgaradka qaran.”