ITOOBIYA OO DIYAARGAROW KA SAMAYSAY KA JAWAABISTA SAAMAYNTA ISBEDDELKA CIMILADA EE HEER CAALAMI .

Addis Ababa, Kodxin/Meskerem,9, 2019 (ENA):- Komishanka Maareynta Khatarta Musiibooyinka dalka ayaa sheegay in la sameeyay diyaar-garow awood u siinaya dalka inuu ka jawaabo saameynta ka dhalan karta isbeddelka cimilada ee dunida.

 

Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) ayaa sheegtay in dhacdada El Niño ay heer caalami ah sababi karto koror weyn oo ku yimaada heerkulka iyo isbeddello ku yimaada xaaladaha cimilada.

 

Warbixinnadu waxay tilmaamayaan in dhacdadan ay Bariga Afrika iyo qaybo ka mid ah Itoobiya ka dhalin karto abaaro daran, halka meelaha kalena ay ka dhici karaan fatahaado xooggan.

 

Ku-xigeenka Komishaneerka Komishanka Maareynta Khatarta Musiibooyinka Itoobiya, Mudane Aydrus Hassan, ayaa Wakalada Wararka Itoobiya (ENA) u waramay ayaa xusay in El Niño uu hore u soo noqnoqday, iyadoo dhacdooyinkiisi ay ka dhaceen muddooyin u dhexeeya 10 iyo 5 sano.

 

Dhanka kale wuxuu xusay in casharro badan laga bartay musiibadii El Niño ee hore uga dhacday Bariga Afrika.

 

Xogaha laga helay Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka iyo Machadka Saadaasha Hawada Itoobiya ayaa tilmaamaya in sannadka 2018/19-ka la filayo inuu dhaco El Niño cusub.

 

Sidaas darteed, Komishanku wuxuu sheegay inuu si ballaaran u wado hawlo kala duwan oo diyaar-garow ah, kuwaas oo lagu yaraynayo saameynta ka dhalan karta dhacdadan.

 

Waxa uu sidoo kale xusay in hay’addu ay dhiseyso awood aan loogu talagelin oo keliya wax ka qabashada dhibaatooyinka degdegga ah, balse sidoo kale lagu xallin karo caqabadaha muddada dheer.

 

Waxa uu intaa ku daray in heer qaran la diyaariyey istaraatiijiyad lagu ogaanayo heerka nuglaanta dalka ee El Niño, lagu yaraynayo saameyntiisa, laguna soo kabanayo dhibaatooyinka ka dhasha.

 

Si looga hortago khasaaraha ka dhalan kara roob-yaraanta, Komishanka oo isku dubbaridaya hawlaha ayaa wada diyaar-garow ay ka qaybqaadanayaan hay’adaha kala duwan, laga bilaabo heer federaal ilaa heerarka hoose ee maamulka

 

Waxa kale oo uu xusay in heer federaal iyo heer deegaanba laga diyaarinayo cunto, agab aan cunto ahayn iyo qalab degdeg loogu adeegsan karo xaaladaha fatahaadaha ee ka dhalan kara El Niño, gaar ahaan koonfur-bari iyo koonfurta Itoobiya.

 

Waxa uu sheegay in hawlaha ka hortagga iyo isku-dubbaridka ee horay loo sii sameynayo ay si weyn u yarayn doonaan khasaaraha bulsho iyo dhaqaale ee ka dhalan kara musiibada, iyadoo la ilaalinayo badbaadada muwaadiniinta nugul.

 

Itoobiya waxay dhisaysaa awood xooggan oo u saamaxaysa inay awoodeeda gudaha uga hortagto oo ay wax uga qabato musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa ay dadku sababaan.

 

Waxa kale oo uu sheegay in la diyaarinayo aasaaska hay’ad lagu magacaabo “Ethiopian Aid”, taas oo marka laga soo tago inay dalka gudihiisa ku bixiso taageero bani’aadannimo iyadoo adeegsanaysa awoodda gudaha, sidoo kale caawimaad siin karta dalal kale.

 

Wuxuu intaasi ku daray in, iyadoo lala kaashanayo daneeyayaasha kale, la dhisay Xarunta Qaran ee Isku-dubbaridka Xaaladaha Degdegga ah, si loo xoojiyo loona casriyeeyo nidaamka digniinta hore.

 

Ugu dambayn wuxuu xusay in diyaar-garowga hay’adeed ee la sameeyay iyo hababka cusub ee shaqo ay si joogto ah u xoojin doonaan awoodda dalka ee ka jawaabista musiibooyinka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015