Mashruuca Dhijitaaleynta iyo Dayactirka Maxkamadaha Dirdhaba oo si rasmi ah loo daahfuray

Dirdhaba; Kodxin 7/2019 (ENA): Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray mashruuca dhijitaaleynta iyo dib u dayactirka dhismayaasha maxkamadaha Ismaamulka Dirdhaba.

 

Munaasabadda waxaa si wadajir ah u daahfuray Duqa Ismamulka Dirdhaba, Mudane Khadir Johar, iyo Madaxweynaha Maxkamadda Sare ee Federaalka Itoobiya, Mudane Tedros Mihret, oo ay weheliyeen wafdi ka socday hay’adaha garsoorka.

 

Mashruuca dhijitaaleynta ayaa ka kooban adeeg hal meel ah (One-Stop Service), qolal maxkamadeed oo casri ah oo loo yaqaan Smart Court, iyo nidaamyo kale oo tiknoolajiyadeed oo lagu horumarinayo habka shaqo ee maxkamadaha.

 

Intii lagu guda jiray munaasabadda, waxaa sidoo kale la booqday qaybaha kala duwan ee maxkamadda, iyadoo la soo bandhigay adeegyada cusub iyo goobaha shaqada ee loo habeeyay in ay u fududaadaan shaqaalaha iyo dadka adeegyada caddaaladda raaba.

 

Mas’uuliyiintu waxay tilmaameen in dhijitaaleynta maxkamaduhu ay gacan ka geysan karto in bulshada loo helo adeeg caddaaladeed oo degdeg ah, hufan oo la heli karo, iyadoo la dhimayo waqtiga, kharashaadka iyo dhibaatooyinka ay shacabka kala kulmaan adeegyada maxkamadaha.

 

Sidoo kale, nidaamka cusub ayaa lagu xoojinayaa habka kaydinta iyo maaraynta dukumentiyada, iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyad casri ah si kor loogu qaado amniga iyo hufnaanta xogta.

 

Munaasabadda waxaa kaso qaybgalay madaxda ismaamulka dirdhaba, madaxda Maxkamadda Sare ee Federaalka, iyo madaxda maxkamadaha sare ee gobollada Amxaarada, Oromiya, Soomaalida, Harariga iyo Canfarta, iyo maxkamadaha sare ee Maamulka Addis Ababa.

 

Dhanka kale, waxaa sidoo kale la qabtay munaasabad lagu daahfuray Smart Courtga Maxkamadda Sare ee Federaalka, waxaana qayb ka ahaa barnaamijka booqasho iyo kormeer lagu sameeyay xarumaha maxkamadaha.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015