WAR-SAXAAFADEED DEGDEG AH OO KA SOO BAXAY XAFIISKA WARFAAFINTA DOWLAD-DEEGAANKA SOOMAALIDA! - ENA Af-Soomaali
WAR-SAXAAFADEED DEGDEG AH OO KA SOO BAXAY XAFIISKA WARFAAFINTA DOWLAD-DEEGAANKA SOOMAALIDA!
Digniinta-safar ee Safaaradda Mareykanku ka soo saartay Gobolka Doollo ma ah mid ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanka!
Xafiiska Warfaafinta Dowlad-Deegaanka Soomaalida oo ka duulaya digniinta-safar ee ay Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ka soo saartay Gobolka Doollo 16-kii Sebtembar 2026. waxa uu caddaynaynaa in digniintan lagu degdegay, isla markaana aanay si sax ah uga tarjumayn xaaladda dhabta ah ee nabadda iyo amniga ee ka jirta Gobolka Doollo. Digniintan waxaa la soo saaray iyada oo aan xaqiijin-xogeed iyo wada-tashi ku filan lala samayn maamulka deegaanka iyo hay’adaha amniga iyo nabadgelyada ee sida joogtada ah ula socda xaaladda ka jirta gobolka.
Dawlada deegaanka Soomaalidu waxay cadaynaysaa in Gobolka Doollo uu nabadyahay, xaaladdiisuna ay deggan tahay.
Hay’adaha dowladdu waxay si buuxda u gudanayaan waajibaadkooda caadiga ah. Isu-socodka dadka iyo gaadiidka, hawlaha ganacsiga, adeegyada bulshada iyo hawlaha kale ee maalinlaha ahiba waxay u socdaan si caadi ah.
Dowlad-Deegaanka Soomaalidu waxay mudnaan sare siisaa badbaadada dadka deegaanka, martida iyo muwaadiniinta ku sugan deegaanka. Haddii ay soo baxdo xaalad amni oo u baahan taxaddar gaar ah, hay’adaha ay khusayso waxay bulshada la wadaagi doonaan xog rasmi ah, sax ah oo waqtigeeda ku habboon.
Sidaas darteed, waxaan hay’adaha diblomaasiyadeed iyo dhinacyada kale ee soo saara digniinaha safarka ugu baaqaynaa inay si habboon u xaqiijiyaan xaqiiqooyinka ka jira goobta ka hor inta aanay baahin macluumaadka, isla markaana ay la tashadaan hay’adaha ay khusayso ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida.
Waxaan sidoo kale xusuusinaynaa in digniin aan ku dhisnayn xog dhammaystiran ay abuuri karto walaac aan loo baahnayn, isla markaana ay sawir khaldan ka bixin karto nabadda iyo xasilloonida ka jirta deegaanka.
Xafiiska Warfaafinta Dowlad-Deegaanka Soomaalidu wuxuu mar kale xaqiijinayaa in Gobolka Doollo uu nabad yahay, xaaladdiisuna deggan tahay, isla markaana maamulka gobolka iyo hay’adaha amniga iyo nabadgelyadu ay si dhow ula socdaan xaaladda guud.
Xafiiska Warfaafinta Dowlad-Deegaanka Soomaalida
Meskerem 7, 2019 T.I.
Jigjiga