FAA’IIDOOYINKA BADAN EE BARNAAMIJKA QUUDINTA ARDAYDA - ENA Af-Soomaali
FAA’IIDOOYINKA BADAN EE BARNAAMIJKA QUUDINTA ARDAYDA
Xogaha ayaa muujinaya in in ka badan 466 milyan oo carruur ah oo dunida ku nool ay ka faa’iideystaan barnaamijyada quudinta ee dugsiyada.
Barnaamijyada quudinta dugsiyada ma aha oo keliya in carruurta loo helo cunto, balse waxay door weyn ka qaataan horumarinta waxbarashada, caafimaadka carruurta iyo xasilloonida dhaqaale ee qoysaska.
Barnaamijku wuxuu gacan ka geystaa kordhinta heerka waxbarashada ardayda, iyadoo dhinaca kalena si weyn loo yareynayo tirada ardayda ka haraysa waxbarashada.
Gaar ahaan meelaha ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha degdegga ah, barnaamijka quudinta dugsiyada ayaa door muhiim ah ka qaatay kordhinta tirada carruurta u soo xaadiraysa waxbarashada.
Cuntada nafaqada leh ee ardaydu helaan maalin kasta waxay sare u qaaddaa feejignaantooda, awoodda xusuusta iyo fahamka casharrada, taas oo iyaduna gacan ka geysata horumarinta natiijooyinka waxbarashada.
Xogaha Machadka Caafimaadka Dadweynaha Itoobiya (EPHI) iyo Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ayaa muujinaya in quudinta dugsiyadu ay carruurta siiso cuntooyin nafaqo leh oo ka kala yimaada lixda kooxood ee cuntada, taas oo yareyn karta nafaqo-darrada iyo khataraha caafimaad.
Cunto isku dheelitiran ayaa sidoo kale muhiim u ah koritaanka jireed ee carruurta, xoojinta difaaca jirka iyo ilaalinta caafimaadka maskaxda, taas oo gacan ka geysanaysa kobcinta jiil caafimaad qaba.
Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa qorsheynaya in marka la gaaro sannadka 2030 dhammaan carruurtu ay helaan cunto nafaqo leh.
Qaaradda Afrika, in ka badan 100 milyan oo carruur ah ayaa ka faa’iideysta noocyo kala duwan oo barnaamijyada quudinta dugsiyada ah, sida ay xoguhu tilmaamayaan.
Itoobiya ayaa iyaduna barnaamijka quudinta dugsiyada ka faa’iideysanaysa iyadoo malaayiin carruur ah ay helayaan adeegga.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed (Dr), ayaa hore u sheegay in in ka badan 9.5 milyan oo arday ay dalka ka helaan adeegga cunto quudinta laba jeer maalintii, isagoo xusay in tirada carruurta Itoobiya quudiso ay la mid tahay tirada dadka ku nool dalal qaar.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in xaqiijinta in carruurta da’doodu yar tahay ay dugsiga aadaan iyaga oo aan waxbarashadooda uga maqnaan sababo la xiriira cunto la’aan ay tahay arrin muhiim u ah dhismaha qaranka.
Maamulka Addis Ababa ayaa aasaasay Hay’ad Quudin, si si joogto ah oo guul leh ardayda looga faa’iideeyo adeegga quudinta.
Sida xogaha Xafiiska Waxbarashada ee Maamulka Addis Ababa tilmaamayaan, ku dhowaad hal milyan oo arday oo wax ka barta dugsiyada dowladda, laga bilaabo xannaanada ilaa heerka dhexe, ayaa maalin kasta si bilaash ah u hela laba waqti oo cunto ah (quraac iyo qado).
Khibradda maamulka Addis Ababa ee barnaamijka quudinta ardayda ayaa lagu soo bandhigay fagaarayaal caalami ah oo lagu qabtay Paris, Faransiiska iyo Rio de Janeiro, Brazil, iyadoo barnaamijkana lagu guddoonsiiyay abaalmarinta Milan Pact Award.
Abaalmarintan taariikhiga ah ayaa lagu bixiyay shirkii 8-aad ee caalamiga ah ee ku saabsan siyaasadaha cuntada magaalooyinka, kaas oo sannadkii 2022 lagu qabtay Rio de Janeiro, iyadoo Addis Ababa lagu aqoonsaday habka ay si waara oo wax-ku-ool ah ugu hirgelisay barnaamijka iyo bixinta cunto nafaqo leh.
Sidoo kale, sannadkii 2021, magaalada Rome ee Talyaaniga, intii lagu guda jiray shirkii caalamiga ahaa ee cuntada iyo Madasha Quudinta ee Milan, Addis Ababa waxaa lagu aqoonsaday inay leedahay khibrad wanaagsan oo ku saabsan quudinta.
Abaalmarinnadan iyo aqoonsiyadan caalamiga ah ayaa lagu saleeyay in barnaamijku aanu kaliya wax ka qaban dhibaatada cunto la’aanta ardayda, balse uu sidoo kale gacan ka geysto horumarinta nidaam cunto oo waara iyo abaabulka hooyooyinka dakhligoodu hooseeyo ee iskaashatooyin, taas oo fursado dhaqaale iyo bulsho u abuurtay haweenka.
Khibradda Addis Ababa ayaa hadda ku fidaysa deeganada iyo magaalooyinka kale ee Itoobiya, iyadoo wafdiyo ka socda dalal Afrikaan ah, oo ay Kenya ka mid tahay, ay magaalada u yimaadaan si ay uga bartaan waayo-aragnimada barnaamijka.
Machadka Caafimaadka Dadweynaha Itoobiya (EPHI) ayaa sidoo kale diyaariyay buug cusub oo ku saabsan nafaqada ardayda iyo bixinta cunto isku dheelitiran, kaas oo loo adeegsado hirgelinta barnaamijka.
Duqa magaalada Addis Ababa, Adanech Abiebie, ayaa mar hore sheegtay in barnaamijku uu meesha ka saarayo culayskii nafsiyeed iyo dareenkii kalsooni-darrada ahaa ee ardaydu la kulmi jireen sababo la xiriira awood-darro dhaqaale, taas oo ay ku tilmaantay tallaabo lagu xaqiijinayo caddaaladda bulshada.
In ka badan 25,000 oo hooyooyin ah oo dakhligoodu hooseeyo ayaa lagu abaabulay iskaashatooyin si ay uga qayb qaataan diyaarinta iyo bixinta cuntada, taas oo u abuurtay ilo dakhli oo joogto ah, isla markaana xoojisay awoodda dhaqaale iyo bulsho ee haweenka.
Xogaha Wasaaradda Waxbarashada Itoobiya ayaa muujinaya in qaybta ugu badan ee miisaaniyadda barnaamijka quudinta ardayda ee dalka lagu daboolo awoodaha gudaha iyo miisaaniyadda dowladda.
Tan iyo markii la bilaabay barnaamijka, gaar ahaan deegaannada ay saameeyeen abaaraha iyo isbeddelka cimiladu, tirada ardayda isdiiwaangelisa dugsiyada ayaa korodhay boqolkiiba 10, halka heerka ka-harista waxbarashaduna si weyn hoos ugu dhacay.
Si loo yareeyo kharashaadka dugsiyada, waxaa sidoo kale la dhiirrigeliyay in gudaha xarumaha dugsiyada laga sameeyo beero khudradeed, dhaqashada digaagga iyo xoolaha caanaha laga helo, si qayb ka mid ah baahida cuntada looga daboolo gudaha dugsiyada.
Itoobiya ayaa barnaamijka quudinta u aragta mid aan ku koobnayn helitaanka cunto oo keliya, balse qayb ka ah istaraatiijiyadda muddada dheer ee dalka ee horumarinta raasamaalka aadanaha.
Barnaamijka quudinta dugsiyadu, marka laga soo tago kordhinta helitaanka iyo waxtarka waxbarashada, wuxuu carruurta ka caawiyaa inay ku koraan jir iyo maskax caafimaad qaba, taas oo qayb ka noqon karta dadaallada caafimaadka guud ee dalka.
Casharrada nadaafadda iyo badbaadada ee lagu bixiyo xarumaha quudinta ayaa sidoo kale carruurta ka caawiya inay da’ yar ku bartaan hab-nololeed caafimaad qaba iyo ilaalinta nadaafadda shaqsiga.
Guud ahaan, barnaamijka quudinta dugsiyadu wuxuu door muuqda ka qaadanayaa horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo kobcinta jiil wax-soo-saar leh, taas oo muhiim u ah horumarka iyo kobaca mustaqbalka ee dal.
Itoobiya ayaa dhinacan ku ballaarinaysa barnaamijka quudinta dugsiyada, iyadoo khibraddeeda ay sidoo kale soo jiidanayso magaalooyin iyo dalal kale oo doonaya inay wax ka bartaan nidaamka quudinta ardayda.