FIKRADDA WADAJIRKA (MEDEMER) OO HORSEEDDAY KOR UKAC DHANKA DALXIISKA

Itoobiya waxay leedahay kheyraad dalxiis oo dabiici ah iyo kuwo ay dadku sameeyeen, kuwaas oo isugu jira kuwo la taaban karo iyo kuwo aan la taaban karin, kuwaas oo soo jiidasho gaar ah leh.

 

Itoobiya Inkasta oo ay leedahay khayraad badan oo soo jiita indhaha dalxiisayaasha ama booqdayaasha, kuwaas oo aan qofku ka caajisin xitaa haddii uu marar badan arko ama booqdo, isla markaana aan sahal lagu soo koobi karin, haddana muddo dheer si habboon looma soo bandhigin, mana aysan helin booqasho iyo aqoonsi u dhigma qiimahooda.

 

Arrintaas awgeed, waxay muddo dheer ka maqnayd inay ka faa’iidaysato khayraadkeeda dalxiis ee faraha badan.

 

“Dalal badan oo taariikh iyo khayraad dabiici ah aan innagula tartami karin ayaa wax badan ka faa’iiday waaxda dalxiiska. Innaguse, waxaan qarinay khayraadkeenna qaaliga ah, taariikhdeenana boodh ayaan ku daboolnay, muddo dheerna sidaas ayaan ku soo jirnay.” waxaa sidaa tibaaxaya Buugga Dowladda wadajirka (Medemer,) bogga 259.

 

Maanta, hase yeeshee, taariikhdaasi way isbeddelaysaa. Dalxiiska oo ka mid ah shanta tiir ee muhiimka u ah dhaqaalaha Dowladda wadajirka Medemer, ayaa lagu dadaalayaa in goobaha taariikhiga ah iyo khayraadka muhiimka ah loo beddelo fursado dhaqaale, iyadoo sidoo kalena Itoobiya si ballaaran loo soo bandhigayo.

 

Horumarinta goobaha cusub ee dalxiiska oo uu Ra’iisul Wasaaraha dalka Abiy Ahmed,(Dr.) ka bilaabay Qasriga 4 Kilo, ayaa mashaariicda Gedebata lahagar loo marayo ku fiday dhammaan qaybaha dalka.

 

Khayraadka dalxiiska ee Itoobiya ee muddo dheer aan helin mudnaantii ay u baahnaayeen ayaa Dowladda wadajirka Medemer siisay mudnaan, taasina waxay horseedday in dib loo soo nooleeyo oo la shaaciyo bilowga soo kabashadooda.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015