LAHAANSHAHA MARIN-BADEEDKA ITOOBIYA WAA ARRIN JIRITAAN IYO KOBOC DHAQAALE :- INJINEER CABDULBAR SHAMSU

Addis Ababa, Meskerem, 6 2019, (ENA ) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Gaadiidka Badda iyo Saadka Itoobiya, Injineer Cabdulbar Shamsu, ayaa sheegay in helitaanka marin-badeed ay Itoobiya leedahay uu yahay arrin jiritaan oo saldhig adag u noqon karta dardargelinta kobaca dhaqaale ee waara.

 

Waxa uu xusay in Itoobiya oo si shirqool ah ku weyday lahaanshaha marin-badeedkeeda ay saameyn weyn ku yeelatay gaadiidka, saadka iyo adeegyada dekedaha, gaar ahaan nidaamka ganacsiga dalka ee dhoofinta iyo soo dejinta.

 

Waxaa kale xusay in xaaladdaasi waxay Itoobiya ku khasbeysaa inay sannad kasta bixiso lacago badan oo qalaad oo balaayiin ah taas oo saameyn ku yeelanaysa kobaca iyo dhaqdhaqaaqa guud ee dhaqaalaha dalka.

 

Arrintan ayaa sidoo kale xoojinaysa muhiimadda iyo sababaha ay shacabka iyo dowladda Itoobiya u soo jeediyeen dalabkooda ku aaddan dib u soo celinta lahaanshaha marin-badeedka dalka, iyagoo ku saleynaya arrimo dabiici ah, juqraafiyeed, istiraatiiji ah iyo sharciyeed.

 

Dhanka kale Injineer Cabdulbar Shamsu oo la hadlay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa sheegay in Itoobiya ay dhistay awood xooggan oo ku saabsan saadka iyo gaadiidka badda, taas oo sare u qaadi karta tartanka dalka ee dhinaca ganacsiga iyo gaadiidka caalamiga ah.

 

Ugu dambayn waxa uu xusay in maraakiib waaweyn, kabtanno xirfad leh iyo kaabayaal horumarsan ay muujinayaan awoodda Itoobiya ee ganacsiga badda, saadka iyo gaadiidka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015