Ardayda wax kabarta dugsiyada magaaldada Jigjiga oo shegay in ay Isku Diyaariyay waxbarashada Sannad-duqsiyeedka Cusub

JIGJIGA; maskaram 16, 2019 (ENA): Ardayda Dugsiga Sare ee Sheekh Cabdisalaam ee magaalada Jigjiga ayaa shaaca ka qaaday inay si buuxda ugu diyaar-garoobeen sannad-duqsiyeedka cusub ee 2019 T.I., iyagoo si hufan u isticmaali doona waqtigooda si ay u gaaraan natiijooyin sare.

 

Wadarta guud ee deegaanka Soomaalida, hawlaha wax-baridda iyo sannad-duqsiyeedka cusub ayaa si rasmi ah uga bilowday dhammaan dagmooyinka iyo maamul-magaaloyinka .

 

Dugsiga Sare ee Sheekh Cabdisalaam ayaa muddo dheer ahaa dugsi soo saarista jiil ku kudadaala tayada iyo anshaxa, iyadoo ardayda la barayo maaraynta waqtiga si ay u gaaraan guul.

 

Nimo Hassan oo ah Ardayda Fasalka 12-aad,ee Sayniska Waxay xaqiijisay inay diyaar u tahay in waqtigeeda ay si habboon u maamusho, iyada oo si sarraysa u dhiirri-galinaysa in ay hesho natiijo u dammaanad-qaadaysa bixinta imtixaanka qaranka ee gelitaanka jaamacadda.

 

Isra Abdi Yusuf Waxay sheegtay inay si buuxda diyaar u tahay u dhagaysiga casharrada class-ka iyo qayb-qaadashada xiisadaha dheeraadka ee lagu xoojinayo waxbarashada.

 

Maamulaha Dugsiga Sare ee Sheekh Cabdisalaam, Mudane Cbdulqadir Cbdirahman, ayaa tilmaamay in hoggaanka dugsiga, barayaasha, iyo ardaydu ay sameeyeen diyaar-garowgii u dambeeyay. Waxaa la habaysay fasallada, maktabadaha, iyo barnaamijyada xiisadaha dheeraadka ah si deegaanku u noqdo mid ku habboon waxbarashada.

 

Dhinaca kale, Agaasimaha Horumarinta Dugsiyada ee Xafiiska Waxbarashada Deegaanka Soomaalida, Mudane Maxamed Matan, ayaa ku cadeyay in hawlihiisii wacyigelinta iyo diyaar-garowga lagu soo kaxeeyay ubadka gaaray da'da waxbarashada ay midho-dhalleen, waxana uu xaqiijiyay in sannad-duqsiyeedka 2019 T.I. uu si rasmi ah uga bilaabmay deegaanka oo dhan.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015