So-kabashada Itoobiya waxay abuurtay awooddi lagu dhacayo Dib u curashada Afrika – Adeegga Isgaarsiinta Dowladda - ENA Af-Soomaali
So-kabashada Itoobiya waxay abuurtay awooddi lagu dhacayo Dib u curashada Afrika – Adeegga Isgaarsiinta Dowladda
Itoobiya waxay sannadka cusub ku bilowday iyadoo mudnaanta siinaysa danaha qarankeeda, isla markaana noqotay codka dhabta ah ee Afrikaanka.
Itoobiya oo xubin ka noqotay BRICS iyadoo raacaysa siyaasad arrimo dibadeed oo madax-bannaan oo adag, waxay Shirkii 18-aad ee Madaxda BRICS ee lagu qabtay New Delhi, Hindiya, si muuqata uga muujisay Afrika iyo caalamkaba doorkeeda istaraatiijiga ah.
Shirkan oo hal-ku-dhaggiisu ahaa “Dhisidda adkaysi, hal-abuur, iskaashi iyo waaritaan”, wuxuu Itoobiya u noqday fursad ay ku xoojiso xiriirrada ay la leedahay dalalka xubnaha iyo kuwa saaxiibka la ah BRICS, iyadoo taageeraysa dhismaha nidaam caalami ah oo caddaalad iyo ka-qaybgal loo siman yahay ku dhisan.
Itoobiya waxay shirkan ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in dalalku dhistaan awood ay kaga hortagaan dhibaatooyinka ka hor inta aysan dhicin. Waxay sidoo kale sheegtay inay si buuxda uga gudubtay ku-tiirsanaantii sarreenka gargaarka dibadda, ayna diyaar u tahay inay BRICS uga qaybqaadato sidii wax-soo-saare iyo alaab-qeybiye.
Dhinaca tiknoolajiyadda iyo hal-abuurka, Itoobiya waxay sheegtay inay ballaarinayso kaabayaasha dijitaalka, aqoonsiga dijitaalka ah, nidaamyada lacag-bixinta iyo shabakadaha is-dhaafsiga xogta. Waxa kale oo ay waddaa dhismaha Jaamacadda Garaadka Macmalka ah ee Medemer, si Afrika ay door hoggaamineed uga qaadato mustaqbalka tiknoolajiyadda.
Itoobiya.
waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay in Afrika leedahay kheyraad macdaneed oo badan, kaas oo muhiim u ah tamarta nadiifka ah, wax-soo-saarka casriga ah iyo dhaqaalaha dijitaalka ah. BRICS-na waxay fursad u abuuri kartaa in raasamaal, tiknoolajiyad iyo suuqyo la isku daro si kheyraadka Afrika loogu daro qiime dheeraad ah.
Dhanka caafimaadka, tamarta la cusboonaysiin karo, macdanta iyo warshadaha, Itoobiya waxay muujisay inay diyaar u tahay iskaashi iyo maalgashi. Sidoo kale, shirkadda Diyaaradaha Itoobiya, korontada ay Itoobiya siiso dalalka deriska ah iyo xaqiiqda ah in Addis Ababa tahay xarunta Midowga Afrika ayaa lagu tilmaamay inay Itoobiya siinayaan door muhiim ah oo isku xira Afrika iyo dunida.
Dhanka maaliyadda caalamiga ah, Itoobiya waxay sheegtay inay waddo dib-u-habayn dhaqaale iyo dib-u-habayn deynteeda dibadda ah. Waxay ku baaqday in habka dib-u-habaynta deymaha dalalka dhaqaalahoodu dhibaatooyinka ku jiro uu noqdo mid degdeg ah, hufan oo la saadaalin karo, isla markaana dalalka soo koraya ay helaan matalaad caddaalad ah oo saamayn leh hay’adaha maaliyadeed ee caalamka.
Ka-qaybgalka Itoobiya ee shirkan ayaa sidoo kale taageero ka heshay arrimo ay ka mid yihiin ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), helitaanka kursi dheeraad ah oo Golaha ICAO ah, iyo martigelinta COP32 ee Addis Ababa. Sidoo kale, soo-jeedinta ah in xafiiska New Development Bank (NDB) laga furo Addis Ababa iyo in la sameeyo “BRICS Coordinator” ayaa heshay taageero ballaaran.
Shirka BRICS ka sokow, Itoobiya waxay kulammo muhiim ah la yeelatay madaxda dalal kala duwan. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin waxaa lagala hadlay xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee Itoobiya iyo Ruushka, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga, ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, tiknoolajiyadda iyo xiriirka dadka.
Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi waxaa lagala hadlay iskaashiga difaaca, iswaydaarsiga tiknoolajiyadda, dhismaha awoodda iyo horumarinta macdanta. Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim waxaa lagala hadlay maalgashi, dalxiis, tamarta la cusboonaysiin karo iyo horumarinta wax-soo-saarka.
Sidoo kale, Amiirka Abu Dhabi Sheikh Khaled bin Mohamed bin Zayed Al Nahyan waxaa lagala hadlay ajandayaasha BRICS iyo iskaashi dhinacyo badan leh. Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian waxaa lagala hadlay xaaladda Badda Cas, amniga gobolka iyo sidii loo ballaarin lahaa ganacsiga, dhaqaalaha iyo iskaashiga horumarineed ee labada dhinac.
Guud ahaan, dowladda Itoobiya waxay sheegtay in ka-qaybgalka firfircoon ee Shirkii 18-aad ee BRICS iyo natiijooyinka laga gaaray ay yihiin tiirar muhiim u ah isbeddelka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Itoobiya. Waxay sidoo kale ku tilmaantay Itoobiya dal si geesinimo leh u raadinaya danihiisa istaraatiijiga ah, isla markaana garab taagan horumarka, nabadda Afrika iyo iskaashi caalami ah oo caddaalad ah.
“Soo-kabashada Itoobiya waxay ku bishaaraynaysaa di u curashsada Afrika!”