Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa magaalada Jigjiga ka qayb-galay munaasibad lagu daah-furayay shirkadda Som-Eco Waste Solutions and Recycling, oo ka shaqayn doonta maaraynta iyo dib-u-warshadaynta qashinka qalalan.

Shirkaddan oo ay aasaaseen gabdho qurba-joog ah ayaa qayb ka qaadanaysa xoojinta nadaafadda iyo bilicda magaalooyinka, dib-u-faa’iidaysiga qashinka iyo abuurista fursado shaqo.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa sheegay in Xukuumadda Deegaanku ay dhiirrigelinayso maalgashiga gaarka loo leeyahay, gaar ahaan maalgashiyada taageeraya dhaqaalaha cagaaran, shaqo-abuurka iyo horumarinta magaalooyinka. Sidookalena in xukuumaddu fududayn doonto adeegyada lagama maarmaanka u ah maalgashadayaasha wax-soo-saarka iyo warshadaha.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu shirkadda ku boorriyey inay ballaadhiso hawlaheeda, adeeggeedana gaadhsiiso magaalooyinka waaweyn ee Deegaanka, si ay door muuqda uga qaadato yaraynta qashinka iyo dhismaha magaalooyin nadiif ah, bilicsan.

XIGASHO :- SRTV SOMALI

Wakaalada Warka Itoobiya
2015