ITOOBIYA OO KU HOWLAN DHISIDDA NIDAAM GAADIIDKA BILAA NAQASKA ISLA MARKAANA U ADKAYSATA ISBEDDELKA CIMILADA - ENA Af-Soomaali
ITOOBIYA OO KU HOWLAN DHISIDDA NIDAAM GAADIIDKA BILAA NAQASKA ISLA MARKAANA U ADKAYSATA ISBEDDELKA CIMILADA
Addis Ababa, Meskerem, 5,2019 (ENA) Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Alemu Sime,( Dr.) ayaa sheegay in Itoobiya ay si dhab ah uga shaqaynayso dhismaha nidaam gaadiid oo cagaaran, waara, isla markaana u adkaysan kara saameynta isbeddelka cimilada.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shirkii Nordic-Africa EV Summit oo ka socday magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu khudbad ka jeediyay.
Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya, oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed, ay qorshaheeda horumarineed udub-dhexaad uga dhigtay horumar cagaaran oo u adkaysata isbeddelka cimilada.
Waxa uu tilmaamay in barnaamijka “Green Legacy” (Dhaxalka Cagaaran), ballaarinta tamarta la cusboonaysiin karo iyo dadaallada lagu dhisayo dhaqaale kaarboonkiisu hooseeyo ay yihiin tusaalooyin muujinaya sida ay Itoobiya uga go’an tahay ilaalinta deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.
Wasiirku waxa uu sheegay in ka dhigista waaxda gaadiidka mid ka madax-bannaan qiiqa kaarboonka ay tahay mid ka mid ah tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu dhisayo dhaqaale waara.
Waxa uu intaa ku daray in Itoobiya ay arrintan uga jawaabayso iyadoo isku xiraysa gaadiidka dadweynaha ee ku shaqeeya korontada, marinnada magaalooyinka cagaaran iyo nidaamka gaadiidka hawada nadiifka ah iyo awoodda dalka ee tamarta la cusboonaysiin karo.
Sida uu sheegay Wasiirku, u gudubka gaadiidka korontada ku shaqeeya ma aha oo keliya tallaabo lagu ilaalinayo deegaanka, balse waxa uu sidoo kale door weyn ka qaadan karaa isbeddelka dhaqaalaha, sugidda amniga tamarta, hal-abuurka tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista tayada nolosha bulshada.
Waxa uu xusay in kaliya soo dejinta gaadiidka korontada ku shaqeeya aysan ku filnayn in la abuuro nidaam dhammaystiran oo gaadiidka korontada ah, balse ay lagama maarmaan tahay in la dhiso kaabayaal iyo hannaan shaqo oo taageera nidaamkaas.
Dhanka kale Wasiirku, waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta xarumaha lagu shubo korontada baabuurta , hirgelinta adeegyada dhijitaalka ah, dejinta heerar iyo halbeegyo caalami ah, tababarka shaqaale xirfad leh oo ay ku jiraan injineerro iyo farsamayaqaanno, iyo sidoo kale dhismaha nidaam dib loogu warshadayn karo baytariyada.
Wasiirku wuxuu ku baaqay in la dhiso nidaam isku dhafan, la xoojiyo awoodda gudaha ee tiknoolajiyadda, lana adkeeyo iskaashiga heer gobol iyo qaaradeed.
Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya iyo Afrika ay ka faa’iidaysan doonaan khibradaha wanaagsan ee dalalka Nordic-ga, balse xalalka Afrika ay tahay inay waafaqaan xaqiiqada iyo baahiyaha gaadiid ee qaaradda.
Sidoo kale, waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga heer gobol iyo heer qaaradeed si loo horumariyo nidaamyo gaadiid oo isku xiran.
Dhanka kale Wasiir Alemu Sime (Dr.) ayaa xusay in Itoobiya iyo guud ahaan Afrika ay ka faa’iidaysan karaan waayo-aragnimada wanaagsan ee dalalka Nordic-ga, balse xalalka loo sameynayo Afrika ay tahay inay tixgeliyaan xaqiiqada ka jirta qaaradda iyo baahiyaha gaadiid ee dadka Afrikaanka ah.
Wuxuu kale oo uu xusay in u gudubka Afrika ee gaadiidka korontada ku shaqeeya uu noqdo matoor horseeda horumarinta warshadaha, halkii qaaraddu noqon lahayd suuq kale oo loogu talagalay badeecooyinka dibadda laga keeno.
Wasiirku waxa uu xusay in si dadka Afrikaanka ah ay uga qaybqaataan dhammaan silsiladda qiimaha ee gaadiidka korontada, loo baahan yahay in la xoojiyo shirkadaha gudaha ee isku xira iyo kuwa wax soo saara, la kordhiyo maalgelinta cilmi-baarista iyo horumarinta, isla markaana la isku xiro nidaamyada gaadiidka ee isaga gudba xuduudaha dalalka.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in kheyraadka dowladda oo keliya uusan ku filnayn hirgelinta isbeddelkan, loona baahan yahay iskaashi xooggan oo dhex mara dowladaha, hay’adaha horumarinta, bangiyada ganacsiga iyo maalgashadayaasha gaarka loo leeyahay.
Ugu dambayn Wasiirku waxa uu rajo ka muujiyay in shirka Nordic-Africa EV Summit uu noqon doono madal ka gudubta wada-xajood oo ugudbta tallaabooyin wax-ku-ool ah, lagu dejiyo yoolal cad, laguna xoojiyo iskaashiga dhinacyada horumarinta iyo tiknoolajiyadda..