Jigjiga: Waxaa xarunta Maxkamadda Guud ee DDS lagu qabtay munaasibad lagu furayo Maxkamadaha Deegaanka ee Sannadka Shaqeedka 2019 T.I., kaddib markii garsoorku uu kasoo laabtay

Jigjiga: Waxaa xarunta Maxkamadda Guud ee DDS lagu qabtay munaasibad lagu furayo Maxkamadaha Deegaanka ee Sannadka Shaqeedka 2019 T.I., kaddib markii garsoorku uu kasoo laabtay fasax-sannadeedkii labada bilood ahaa

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Shareecada, Sheekh Axmed Maxamed Aadan; Komishineerka Komishinka Booliska DDS, Sareeye Guud Cabdi Cali Siyaad; iyo Ku-xigeenka Hoggaanka Nabadgelyada DDS, Mudane Maxamed Maxamuud, iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda Guud ee DDS, Mudane C/kariin Axmed Aadan, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in furitaanku yahay soo dhaweyn loo sameeyay garsoorka kasoo laabtay fasaxa sannadlaha ah iyo bilowga rasmiga ah ee shaqada sannadka cusub.

Guddoomiyuhu wuxuu garsoorka kula dardaarmay inay si fiican u ilaaliyaan madaxbannaanida garsoorka, dhexdhexaadnimada iyo caddaaladda, si loo xaqiijiyo adeeg garsoor oo hufan oo bulshada loogu adeego.

Munaasabadda ayaa sidoo kale loogu mahadceliyay masuuliyiinta iyo hay’adaha kala duwan ee ka qaybqaatay xafladda furitaanka

Wakaalada Warka Itoobiya
2015