SHIR-MADAXEEDKA 18-AAD EE BRICS OO GALAY MAALINTII LABAAD - ENA Af-Soomaali
SHIR-MADAXEEDKA 18-AAD EE BRICS OO GALAY MAALINTII LABAAD
Ra’iisul Wasaaraha (JDFI) Abiy Ahmed,(Dr) iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalay Shir-madaxeedka 18-aad ee BRICS, kaas oo qabsoomay laga soo bilaabo 2-da Meskerem 2019-ka.
Maalintii labaad ee shirka oo ku beegnayd 3-da Meskerem 2019-ka, ayaa waxaa hal-ku-dheg looga dhigay “Dhisidda adkaysiga, hal-abuurka, iskaashiga iyo horumarka waara.
Shirkan waxaa ka qaybgalay hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah BRICS iyo kuwa shuraakada la ah iyo sidoo kale madaxda hay’adaha kala duwan ee caalamiga ah. Shir-madaxeedku wuxuu ku soo dhammaaday iyadoo la soo saaray Bayaanka New Delhi, oo ka kooban 140 qodob oo ay dalalku si wadajir ah ugu heshiiyeen.
Bayaanka New Delhi ee Isbahaysiga BRICS wuxuu ka tarjumayaa mowqifyada wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta nidaamka maamulka caalamiga ah, nabadda caalamiga ah iyo tan gobolka, koboc dhaqaale oo waara, iyo xoojinta xiriirka isdhexgalka shucuubta/ dadka.
Waxa kale oo uu ururku mar kale xaqiijiyay taageerada xooggan ee uu siinayo dadaalka Itoobiya ay ugu jirto ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).
Sidoo kale, bayaanku wuxuu muujiyay in iskaashiga BRICS ay si adag u taageerayso dadaalka Itoobiya ee ah inay noqoto musharraxa keliya ee Midowga Afrika uga qaybgalaya doorashada xubinnimada dheeraadka ah ee Golaha Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO).
Intaa waxaa dheer, dalalka xubnaha ah waxay bayaankooda wadajirka ah ku xaqiijiyeen inay taageerayaan hindisaha iyo diyaar-garowga Itoobiya ugu jirto martigelinta Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada ee COP32.
Ururku wuxuu sidoo kale si wadajir ah u ansixiyay in Shiinuhu martigeliyo Shir-madaxeedka 19 Brics
Dhinaca kale Shir-madaxeedka Madaxda BRICS, Ra’iisul Wasaaraha (JDFI) Abiy Ahmed (Dr.) ayaa kulamo laba geesood ah oo miro-dhal ah la yeeshay madaxda dalalka xubnaha iyo kuwa shuraakada la ah ururka, waxaana ay ka wada xajoodeen xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, difaaca iyo dhijitaalaynta.
Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa sidoo kale ka qaybgalay casho sharaf loo sameeyay hoggaamiyeyaasha kaddib shir-madaxeedka, halkaas oo uu kula kulmay hoggaamiyeyaal ka kala socday dalalka xubnaha iyo kuwa shuraakada BRICS.
Ugu dambayn Ra’iisul Wasaaraha (JDFI) Abiy Axmed (Dr.) ayaa ka qaybgalay casho sharaf loo sameeyay madaxda kaddib shir-madaxeedka, isagoo la kulmay madaxda dalal kala duwan oo xubno iyo shuraako ka ah BRICS. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu soo gabagabeeyay ka qaybgalka Shir-madaxeedka Madaxda BRICS oo socday muddo laba maalmood ah, kaddibna dalka ayuu dib ugu soo laabtay.
#XafiiskaRa’iisulWasaarahaItoobiya#