Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Wasiirka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka, Mudane Xuseen Gaydh, ayaa dhagax-dhigay mashruuca dhismaha Kulliyadda Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta ee Qabribayax.

Dhismaha kuliyaddan oo ay ku baxayso lacag ka badan 482 Milyan oo birr ayuu qorshuhu yahay in lagu soo gunnaanado muddo 24 billood ah ( 2 sano), waxaana fulinaya Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS.

Kulliyaddan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo waxbarashada xirfadaha iyo farsamada gacanta, iyadoo bulshada deegaanka, gaar ahaan dhallinyarada, loo abuurayo fursado ay ku helaan aqoon iyo xirfado shaqo oo suuqa shaqada waafaqsan.

Kulliyadda marka la dhammaystiro waxay sida oo kale door muhiim ah ka qaadan doontaa kobcinta shaqo-abuurka, dhiirrigelinta hal-abuurka, iskaa-u-shaqaysiga iyo diyaarinta xoog shaqaale xirfad leh oo ka qayb qaata horumarka dhaqaale iyo bulsho ee degmada Qabribayax iyo nawaaxigeeda. 

XIGASHO :- SRTV SOMALI

Wakaalada Warka Itoobiya
2015