Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) iyo marwada koowaad Zinaash Tayajew ayaa fuliyey barnaamijka raadka cagaaran

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) iyo Marwada Koowaad qaranka Zinash Tayachew, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, ayaa si wadajir ah u soo xiray barnaamijka dhir-beerista ee sanadkan ee Dhaxal Reebka Cagaaran kaas oo halku-dhig looga dhigay “Aan Beeranno Rajada, kaddib markii ay si wadajir ah uga qeyb qaateen beerista geedo.

 

Marka la shaacinayo gabagabada ololaha beerista geedaha ee sannadka 2018-ka Itoobiya, waxaa xusuus mudan in geed kasta oo la beeray uu yahay astaan nool oo u taagan midnimadeenna, dib-u-soo-kabashadeenna iyo horumarkeena waara.

 

Waxaan si buuxda u rajo qabnaa inaan aragno Itoobiya lagu dhisay midnimadeenna adag iyo dadaalkeenna wadajirka ah, oo noqota dal horumaray, barwaaqo ah oo leh mustaqbal ifaya, waxaana sii wadi doonnaa horay u socodkeenna!

Wakaalada Warka Itoobiya
2015