AFRIKA MA BARYAYSO INAY MEEL KA HESHO FAGAARAHA CAALAMKA, BALSE WAXAY SI MADAX-BANNAAN U XAQIIJINAYSAA BOOSKA AY XAQA U LEEDAHAY : – MAXAMUUD CALI YUUSUF - ENA Af-Soomaali
AFRIKA MA BARYAYSO INAY MEEL KA HESHO FAGAARAHA CAALAMKA, BALSE WAXAY SI MADAX-BANNAAN U XAQIIJINAYSAA BOOSKA AY XAQA U LEEDAHAY : – MAXAMUUD CALI YUUSUF
Addis Ababa, Bagume 4, 2018 (ENA):- Afrika kama baryayso inay meel ka hesho fagaaraha caalamka, balse waxay si madax-bannaan u xaqiijinaysaa booska iyo sharafta ay xaqa u leedahay, ayuu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.
Munaasabadda Maalinta Midowga Afrika ayaa la xusay.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa munaasabadda Maalinta Midowga Afrika awgeed diray farriin.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Maalinta Midowga Afrika ay tahay maalin lagu xuso Bayaankii Sirte (Sirte Declaration) ee sannadkii 1999-kii lagu gaaray go’aanka rasmiga ah ee lagu beddelayo Ururkii Midnimada Afrika (OAU).
Wuxuu sheegay in xilligaas ay hoggaamiyeyaasha Afrika qaadeen tallaabo muhiim ah oo taariikhi ah oo lagu dhisayo Midowga Afrika, si loo dardargeliyo is-dhexgalka qaaradda iyo kor loogu qaado codka Afrika ee fagaarayaasha caalamka.
Wuxuu xusay in Maalinta Midowga Afrika ee sannadkan loo dabbaaldegayo xilli muhiimad gaar ah u leh qaaradda.
Maalmo ka hor, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar uu hoggaaminayo Afrika oo taageeraya adeegsiga khariidad adduun oo si dhab ah u muujinaysa baaxadda iyo cabbirka saxda ah ee Afrika.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in tallaabadan, oo ku timid hindisaha wadanka Togo iyo taageerada Midowga Afrika, ay leedahay macne ka weyn sixitaan lagu sameeyo khariidad keliya.
Wuxuu sheegay in tallaabadani si gaar ah diiradda u saarayo sida Afrika looga arko fagaaraha caalamka, isla markaana ay si xooggan u xusuusinayso in Afrika ay iyadu qaabayso sheekada ay isku qiimayso kuna soo bandhigto nafteeda.
Waxay si gaar ah u xusuusinaysaa in Afrika ay muhiim tahay sida ay dunidu u aragto, isla markaana ay iyadu qaabayso sheekada iyo sawirka ay dunida ka bixinayso.
Mustaqbalka Afrika waxaa go’aaminaya aragtida iyo go’aanka Afrikaanka; waqtiguna waa hadda in Afrika lagu qiimeeyo muuqaalkeeda dhabta ah, awooddeeda iyo kartideeda.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa sidoo kale xusay in tallaabada lagu saxayo khariidadda ay qayb ka tahay socdaalka qaaradeed ee Afrika ugu jirto xaqiijinta aragti mideysan oo heer sare ah.
Wuxuu si faahfaahsan u sheegay in arrintani ay ka mid tahay xoojinta is-dhexgalka dhaqaale iyada oo loo marayo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), xaqiijinta nabadda iyo amniga, hirgelinta horumar waara iyo kordhinta ka-qaybgalka Afrika ee hay’adaha go’aan-qaadashada caalamka.
Wuxuu xaqiijiyay in Ajandaha Midowga Afrika 2063 uu sii ahaan doono tiir-dhexaad lagu dhisayo Afrika isku xiran, barwaaqo ah oo nabdoon.
Wuxuu sheegay in xaqiijinta nabadda iyo amniga, dardargelinta is-dhexgalka dhaqaale iyo kordhinta codka Afrika ee fagaarayaasha caalamka ay yihiin mudnaanta koowaad ee Midowga Afrika.
Wuxuu sheegay in Afrika aysan baryayn inay aqoonsi ka hesho fagaaraha caalamka, balse ay si madax-bannaan u hananayso booskeeda saxda ah ee ay ku leedahay fagaaraha caalamiga ah.
Wuxu kale oo uu xusay Afrika hadda nalaga doonayo waa inaan aaminaaddan adag u beddelno midnimo, hanti iyo barwaaqo, nabad iyo saameyn,
Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumarka Afrika aan lagu cabbirin oo keliya matalaadda ay ku leedahay fagaarayaasha caalamka, balse sidoo kale lagu cabbiro horumarinta tayada nolosha muwaadiniinteeda.
Sidaas darteed, wuxuu sheegay in Midowga Afrika uu sannadka 2026 diiradda saaray helitaanka biyo nadiif ah oo waara iyo adeegyada nadaafadda ee ammaan ah, taas oo muujinaysa sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay inuu aragtiyada qaaradeed ku xiro nolol-maalmeedka muwaadiniinta.
Munaasabadda Maalinta Midowga Afrika awgeed, Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, bulshooyinka dhaqaalaha ee gobollada, hay’adaha Afrika, waaxda gaarka loo leeyahay, ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada inay iska kaashadaan dhismaha Afrika oo sii isku xiran, isku kalsoon awooddeeda, isla markaana awood u leh inay iyadugo’aamiso masiirkeeda.
Wuxuu intaasi ku daray in si dhab looga shaqayn doono xaqiijinta aragtida qaaradeed ee “Afrika aan doonayno”, isla markaana Baaqa Sirte (Sirte Declaration) uu sii ahaan doono saldhig waara oo waxbarasho iyo horumar u ah jiilasha Afrika ee soo socda.
Guddoomiyuhu wuxuu kale oo uu xusay in Afrika berri aysan noqon doonin oo keliya qaarad khariidadda ku leh matalaad wanaagsan, balse ay tahay inay noqoto qaarad leh madaxbannaani adag, midnimo gudaha ah oo xooggan, isla markaana dadkeeda u horseedda barwaaqo waarta.
Ugu dambayn guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa dhammaan Afrikaanka iyo qurba-joogta Afrika u rajeeyay Maalinta Midowga Afrika oo ku suntan nabad, iskaashi iyo midnimo.