Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) Ayaa Hambalyo u diray Maalinta Aasaaska Midowga Afrika

Addis Ababa; Baagume 4/2018 (ENA): Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa farriin hambalyo u diray Maalinta aasaaska ee Midowga Afrika:

 

Farriin uu ku soo dhigay boggiisa baraha bulshada, Ra'iisul Wasaare Abiy (Dr.) ayaa ku sheegay in Itoobiya ay ahayd oo ay weli tahay cod xooggan oo ku jira safarka qaaradda laga soo bilaabo Ururkii hore ee Midnimada Afrika ilaa Midowga Afrika ee hadda jira; Addis Ababa-na waxay u adeegtaa hoyga midowga qaaradeena.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015