MAYORKA MAGAALADA ADDIS ABABA OO DADKA DANYARTA U QAYBISAY CUNTO, SANADKA CUSUB AWGEED - ENA Af-Soomaali
MAYORKA MAGAALADA ADDIS ABABA OO DADKA DANYARTA U QAYBISAY CUNTO, SANADKA CUSUB AWGEED
Addis Ababa, Baagume, 4,2018 ENA:
Duqa Maamulka Magaalada Addis Ababa, Adanech Abebe, ayaa munaasabadda Sannadka Cusub ee Itoobiya ee 2019-ka awgeed cunto la wadaagtay qaybaha bulshada ee dakhligoodu hooseeyo.
Adanech ayaa xustay in taageeridda dadka nugul iyo la wadaagga cunto xilliyada munaasabadaha ciidaha ay tahay dhaqan soo jireen ah oo ay leeyihiin shacabka Itoobiya.
Waxay sheegtay in hawsha wadaagga cuntada ee Maamulka Magaalada Addis Ababa uu maanta qabtay ay ujeeddadeedu tahay in dhammaan qaybaha bulshada ay munaasabadda si farxad leh ugu dabaaldegaan.
Waxay sidoo kale xustay in barnaamijka wadaagga cuntadu aanu ahayn oo keliya taageero cunto, balse uu sidoo kale yahay muujin ka tarjumaysa jacaylka, ixtiraamka iyo wadajirka loo hayo muwaadiniinta.
Duqa Adanech ayaa mahadcelin u jeedisay maalqabeennada ka qayb qaatay sidii uu barnaamijkan, oo ka socda dhammaan maamullada xaafadaha, degmooyinka iyo heerka dhexe, uu ugu hirgelip lahaa si guul leh.
Waxay sidoo kale u dirtay shacabka hambalyo iyo rajadeeda ku aaddan in sannadka cusub uu noqdo sannad nabad, jacayl iyo barwaaqo leh.
Ugu dambayn dadka ka faa’iidaystay taageerada lagu bixiyay barnaamijka wadaagga cuntada ayaa iyaguna uga mahadceliyay Maamulka Magaalada Addis Ababa taageerada uu u fidiyay.