Waxaa lasoo gabagabeeyey shirkii uu Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed la yeeshay ciidanka Booliska DDS. - ENA Af-Soomaali
Waxaa lasoo gabagabeeyey shirkii uu Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed la yeeshay ciidanka Booliska DDS.
Addis Ababa; Naaf 29/2018 (ENA): Laba toddobaad oo shir iyo qiimayn ah kaddib, waxaa magaalada Jigjiga lagu soo af-meeray shirka iyo qiimaynta Ciidanka Booliska DDS, oo si gaar ah loogu eegay anshaxa, amniga, hoggaaminta iyo arrimo kale.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa soo xidhay shirka iyo qiimaynta labadii toddobaad ee lasoo dhaafay usocotay Ciidanka Booliska DDS. Kulankan oo ka dhacay madasha kulamada ee Suldaan Odawaa Liibaan ayaana lagula dardaarmay saraakiisha ciidanka.
Madaxweynuhu wuxuu ciidanka kula dardaarmay inay sii xoojiyaan waajibaadkooda dastuuriga ah, ilaalinta nabadgelyada, dhowrista sharciga iyo kala dambaynta, u adeegidda bulshada si hufan, daacadnimo iyo masuuliyad leh.
Shirka iyo qiimaynta ayaa diiradda lagu saaray anshaxa iyo edebta ciidanka, sugidda amniga iyo nabadgelyada, hoggaaminta iyo maamulka, eexda, qabyaaladda iyo nin-jeclaysiga, u hoggaansanaanta sharciga, la-dhaqanka bulshada, ka-hortagga dambiyada iyo arrimo kale.
“Waxaad tihiin ciidamo geesiyayaal ah oo naftooda u hura bulshadooda, waxaana la inaga rabaa in si waddaniyad leh aad u sii gudataan waajibaadkiinna. Sannadkana, ka xukuumad ahaan, waxaan ku dadaali doonaa sidii noloshiinna wax looga sii beddeli lahaa,” ayuu yidhi madaxwayne Mustafe Muxummed Cumar.
XIGASHO :- SRTV Somali