QARAMADA MIDOOBAY OO ANSIXIYAY KHARIIDAD CUSUB OO MUUJINAYSA BAAXADDA DHABTA AH EE AFRIKA - ENA Af-Soomaali
QARAMADA MIDOOBAY OO ANSIXIYAY KHARIIDAD CUSUB OO MUUJINAYSA BAAXADDA DHABTA AH EE AFRIKA
Addis Ababa, Nahaase 30, 2018 (ENA) Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u ansixiyay khariidad cusub oo si ka sax ah u muujinaysa baaxadda juqraafiyeed ee qaaradda Afrika.
Go’aankan taariikhiga ah ayaa ka dhashay hindise uu wadanka Togo ku soo bandhigay magaca Midowga Afrika, waxaana ujeeddadu tahay in la soo afjaro qallooca ka jira habka khariidaynta ee muddo dheer la adeegsanayay.
Sida uu dhigayo go’aanka, khariidadda Mercator oo tan iyo qarnigii 16-aad la adeegsanayay, isla markaana si aan sax ahayn u muujinaysay baaxadda qaaradda Afrika, ayaa laga saari doonaa adeegsiga, sida ay BBC werisay.
Bedelkeedana waxaa la adeegsan doonaa habab casri ah oo khariidaynta ah, kuwaas oo si siman u muujinaya baaxadda iyo saamiga dhulka, sida khariidadda “Equal Earth”, oo la shaaciyay sannadkii 2018, taas oo si ka sax ah u muujisa cabbirka iyo saamiga dhulalka dunida.
Go’aanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa helay taageero ballaaran, iyadoo 164 dal ay taageereen hindisaha.
Khariidadda Mirkatoor (Mercator). waxaa sannadkii 1569 sameeyay Gerardus Mercator, oo ahaa khariidad-sameeye reer Flemish ah. Ujeeddadii ugu weynayd ee loo sameeyay waxay ahayd inay u fududeyso badmaaxiinta iyo maraakiibta inay maraan waddooyinka badda.
Si kastaba, habka khariidayntan ayaa kordhiya muuqaalka baaxadda dhulalka marka laga fogaado dhulbaraha, taas oo keentay in gobollada ku dhow dhulbaraha si weyn loogu muujiyo cabbir ka yar kan dhabta ah.
Natiijada habkan khaldan ee khariidaynta ayaa Afrika ka dhigtay mid muddo dheer muuqaal ahaan loogu malaynayay inay baaxad ahaan ku dhowdahay jasiiradda Greenland.
Waxaa la ogyahay in Afrika ay tahay qaarad aad u ballaaran, iyadoo baaxaddeedu 14 jeer ka weyn tahay tan Greenland.
Warbixinta BBC ayaa sheegtay in taageerayaasha ololahan iyo falanqeeyayaasha siyaasadda caalamka ay tallaabadan u arkaan mid taariikhi ah oo weyn, taas oo lagu saxayo aragtida eexda leh ee reer Galbeedka ee qarniyo badan ka jirtay nidaamka waxbarashada caalamka iyo samaynta khariidadaha.