WAXAA LOO BAAHAN YAHAY IN LA SAMEEYO HANNAAN GOBOLEED OO WADAJIR AH OO LAGU NIDAAMIYO ADEEGSIGA GARAADKA MACMALKA AH :- WORKNEH GEBEYEHU (Dr.) - ENA Af-Soomaali
WAXAA LOO BAAHAN YAHAY IN LA SAMEEYO HANNAAN GOBOLEED OO WADAJIR AH OO LAGU NIDAAMIYO ADEEGSIGA GARAADKA MACMALKA AH :- WORKNEH GEBEYEHU (Dr.)
Addis Ababa, 29-ka Nehaase 2018 (ENA) Xoghayaha Guud ee Urur-Goboleedka Horumarinta Dowladaha Bariga Afrika (IGAD), Workneh Gebeyehu (Dr.), ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo hannaan goboleed oo wadajir ah oo lagu nidaamiyo adeegsiga sirdoonka macmalka ah (AI) iyo ilaalinta madaxbannaanida xogta, kaas oo waafaqsan qaab-dhismeedyada sharci ee qaran ee dalalka xubnaha ka ah.
Waxaa maanta oo ah 29-ka Nehaase 2018 ka furmay kulan-wadatashi socon doona muddo laba maalmood ah, kaas oo ay ka qaybgalayaan wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah IGAD iyo dhinacyada ay khusayso, laguna doonayo in si wadajir ah loo dejiyo istaraatiijiyadda goboleed ee sirdoonka macmalka ah (IA) .
Xoghayaha Guud ee Urur-Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu (Dr.), ayaa xusay in kobaca degdegga ah ee sirdoonka macmalka ah uu saameyn ku yeelanayo isla markaana qaabeynayo dhaqaalaha adduunka, dowladaha iyo awoodda aadanaha.
Waxa uu sidoo kale xusay in sirdoonka macmalka (IA) iyo waaxda dhijitaalka ahi ay yihiin awood muhiim ah oo dardargelin karta is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka, isla markaana gacan ka geysan karta kobaca bulshada iyo dhaqaalaha.
Waxa uu sheegay in dalalka xubnaha ka ah IGAD ay tahay inay si habboon uga faa’iidaystaan fursadaha ay bixiso tiknoolajiyadda sirdoonka macmalka ah si loo dardargeliyo is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka.
Arrintan awgeed, waxa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la sameeyo hannaan goboleed oo wadajir ah oo lagu nidaamiyo adeegsiga sirdoonka macmalka ah iyo ilaalinta madaxbannaanida xogta, kaas oo waafaqsan qaab-dhismeedyada sharci ee qaran ee dalalka xubnaha ka ah.
Dhankiisa, Agaasimaha Arrimaha IGAD ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mudane Ketema Haile, ayaa xusay in sirdoonka macmalka ah uu noqonayo aalad dardargelisa kobaca dhaqaalaha, isla markaana gacan ka geysanaysa dhismaha awoodda wax-soo-saarka.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in sirdoonka macmalka ah looga faa’iidaysto iskaashiga gobolka, dejinta qaab-dhismeedyo siyaasadeed oo xooggan, horumarinta kaabeyaasha dhijitaalka ah, iyo maalgelinta cilmi-baarista iyo hal-abuurka.
Wuxuu intaasi ku daray in Itoobiya ay si buuxda u garwaaqsan tahay doorka tiknoolajiyadaha dhijitaalka ah iyo sirdoonka macmalka ah ay ku leeyihiin horumarka qaranka iyo kan gobolka, isla markaana ay ka go’an tahay inay iskaashi la sameyso dalalka xubnaha ka ah IGAD.
Ugu dambayn wuxuu xusay in Jaamacadda Sirdoonka Macmalka ah ee hadda laga dhisayo Itoobiya ay noqon doonto mid faa’iido u leh dalalka xubnaha ka ah IGAD iyo guud ahaan Afrika.