BALLANQAADKA CAGAARAN EE ITOOBIYA - ENA Af-Soomaali
BALLANQAADKA CAGAARAN EE ITOOBIYA
Saamaynta taban ee isbeddelka cimiladu ku leeyahay Afrika ayaa muddo dheer soo ifbaxaysay. Qaaradda ayaa si weyn ula tacaalaysa dhacdooyin isdaba joog ah oo abaaro ah iyo sidoo kale khataraha fatahaadaha ba’an.
Itoobiya ayaa caqabadahan iyo kuwo kale oo la mid ah awgood, waxay noqotay dal safka hore kaga jira isbeddelka cagaaran ee Afrika. Sidoo kale, waxay si dhab ah uga gudubtay hadal iyo qorshe oo keliya, iyadoo si wax-ku-ool ah u fulinaysa xalalka la xiriira isbeddelka cimilada.
Istaraatiijiyadda Dhaqaalaha Cagaaran ee Itoobiya, oo la shaaciyay sannadkii 2011-kii, ayaa ujeedadeedu tahay in, iyadoo barbar socota kobaca dhaqaalaha, la dhiso dhaqaale u adkaysan kara isbeddelka cimilada isla markaana ka madax-bannaan kaarboonka.
Istaraatiijiyaddu waxay leedahay afar tiir oo muhiim ah:
Tiirka koowaad ayaa ah horumarinta wax-soo-saarka beeraha waara iyo xoolaha. Arrintan ayaa diiradda lagu saarayaa kordhinta wax-soo-saarka iyo dakhliga beeralayda, xaqiijinta sugnaanta cuntada iyo dhimista wasakhowga.
Tiirka labaad ee istaraatiijiyadda ayaa ah ilaalinta kaymaha, dib-u-beerista iyo horumarinta dhirta, iyo hirgelinta mashaariic waaweyn oo cagaaran oo awood u leh inay kaydiyaan kaarboonka.
Ballaarinta tamarta la cusboonaysiin karo sida tamarta biyaha, tamarta kuleylka dhulka, dabaysha iyo qorraxda ayaa iyaduna ka mid ah meelaha kale ee istaraatiijiyaddu mudnaanta siisay.
Tiirka afraad ayaa ah adeegsiga tiknoolajiyado casri ah oo tamar-badbaadinaya iyo xalal wax-ku-ool ah oo laga hirgeliyo gaadiidka, warshadaha iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.
Barnaamijka “Dhaxal Reebka Cagaaran” ayaa ah mid ka mid ah tusaalooyinka ugu waaweyn ee lagu muujinayo hirgelinta Istaraatiijiyadda Dhaqaalaha Cagaaran ee u adkaysata isbeddelka cimilada.
Barnaamijka Dhaxal Reebka Cagaaran, oo lagu bilaabay hindisaha Raysalwasare . Abiy Ahmed (Dr) sannadkii 2011-kii, ayaa ilaa hadda lagu beeray in ka badan 54 bilyan oo geedo ah.
Shaqada ilaalinta deegaanka ayaa ah mashruuc qaran oo ballaaran oo si cad bulshada looga qaybgeliyay, isla markaana si joogto ah loo hirgelinayo. Sidoo kale, Itoobiya oo sii kordhinaysa adeegsiga ilaha tamarta la cusboonaysiin karo ayaa muujinaysa guusha istaraatiijiyadda.
Adeegsiga ilo tamareed oo kala duwan ayaa gacan ka geysanaya helitaanka tamar nadiif ah oo ka madax-bannaan wasakhowga.
Istaraatiijiyadda Dhaqaalaha Cagaaran ee u adkaysata isbeddelka cimiladu waa aragti dhammeystiran oo jiilba jiil u gudbaysa; istaraatiijiyaddu waxay isku xiraysaa kobaca dhaqaalaha iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada, iyadoo sidoo kale xaqiijinaysa dhimista wasakhowga.
Laga bilaabo beerista balaayiin geedo ah ilaa ballaarinta ilaha tamarta la cusboonaysiin karo, horumarka cagaaran ee Itoobiya ayaa si muuqata u muujinaya guulaha ay waddanku ka gaaray dhinaca horumarinta cagaaran.