DOWLADDA TAYLAANDHI OO DOONAYSA INAY XOOJISO XIRIIRKA ISTIRAATIIJIGA AH EE AY LA LEEDAHAY ITOOBIYA

Addis Ababa, Nahaase, 25,2018 (ENA ) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taylaandhi Sihasak Fuangketkiow ayaa sheegay in Thailand ay doonayso inay xoojiso iskaashiga istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Itoobiya, isla markaana ay ballaariso iskaashiga ay la leedahay qaaradda Afrika.

 

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Thailand, Sihasak Fuangketkiow ayaa booqasho shaqo oo rasmi ah ku yimid Itoobiya.

 

Waxa uu waraysi siiyey Wakalada Wararka ee Itoobiya (ENA) islamarkaana xusay in Addis Ababa ay si isa soo taraysa u noqonayso buundo muhiim ah oo isku xirta Koonfur-bari Aasiya iyo Afrika.

 

Waxa uu xusay in Itoobiya ay tahay dal xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah la leh Thailand, isagoo sheegay in dalkiisu uu ka shaqaynayo sidii xiriirkaas loo sii xoojin lahaa, loona ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan.

 

Gaar ahaan, waxa uu xusay in Taylaandhi ay diyaar u tahay inay Itoobiya la wadaagto khibraddeeda horumarineed ee dhinacyada horumarinta warshadaha iyo kordhinta qiimaha wax-soo-saarka beeraha.

 

Dhanka kale wuxuu xusay in ujeeddada ugu weyn ee booqashadiisu ay tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo kordhinta ka-qaybgalka Thailand ee Midowga Afrika (AU) oo xaruntiisu tahay Addis Ababa.

 

Arrintan awgeed, waxa uu xusay in Thailand ay go’aansatay inay safaarad ka furato Addis Ababa.

 

Waxa uu xusay in tallaabadan ay muujinayso dadaalka dalkiisu ugu jiro xoojinta saameyntiisa diblomaasiyadeed ee Afrika iyo inuu Addis Ababa ka dhigo xarunta ugu weyn ee xiriirkiisa qaaradda Afrika.

 

Waxaa intaasi ku daray in Taylaandhi ay si gaar ah diiradda u saarayso hirgelinta barnaamijka loo yaqaan “Thailand-Africa Initiative, kaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo horumarineed ee ay la leedahay Afrika.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in qaaradda Afrika ay ku jirto koboc degdeg ah, isla markaana ay hadda si caalami ah u noqotay cod xooggan oo saamayn leh oo ka dhex muuqda dalalka Koonfurta Caalamka (Global South). 

 

Waxa uu xusay in saamaynta ay hadda Koonfurta Caalamku ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah ay sii kordhayso, isagoo sheegay in ujeeddada ugu weyn ee Taylaandhi ay tahay dhisidda iskaashi qaaradeed oo la jaanqaadaya xaqiiqadan.

 

Wuxuu xusay in iyadoo si wadajir ah loola shaqeynayo dalalka Afrika ee xiriirka hore ula lahaa Taylaandhi iyo sidoo kale dalalka cusub, ay suuragal tahay in la gaaro natiijooyin badan oo wadaag ah oo ka sarreeya guulihii hore loo diiwaangeliyay.

 

Diblomaasigu waxa uu xusay in Addis Ababa ay tahay xarun muhiim ah oo isku xirta Ururka Koonfur-bari Aasiya (ASEAN) iyo Afrika, isagoo sheegay in Itoobiya iyo Taylaandhi ay door weyn ka ciyaari karaan dhismaha buundo iskaashi oo xooggan oo u dhexeysa Midowga Afrika iyo Ururka Koonfur-bari Aasiya (ASEAN). 

 

Waxa uu intaasi ku daray in booqashooyinka wadajirka ah iyo wadaxajoodka joogtada ah ee heerka hoggaanka sare ay muhiim u yihiin in xiriirka labada dal loo gudbiyo heer ka sarreeya kan hadda jira.

 

Wasiirku waxa uu ugu baaqay Taylaandhi iyo dalalka Afrika inay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta nidaamka caalamiga ah ee ku saleysan sharciga, sii wadista ganacsiga xorta ah iyo xoojinta nidaamka ganacsi ee hoos yimaada Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

 

Ugu dambayn waxa uu sharraxay in xubinnimada Itoobiya ee Ururka Ganacsiga Adduunka ay dhiirrigelinayso in dalku si firfircoon uga qaybqaato xeerarka ganacsiga caalamiga ah iyo dhaqaalaha adduunka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015