Waxaa la bilaabay dhismaha Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha DDS oo ay ku baxayso lacag dhan 219 Milyan oo Birr. - ENA Af-Soomaali
Waxaa la bilaabay dhismaha Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha DDS oo ay ku baxayso lacag dhan 219 Milyan oo Birr.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha, Mudane Axmed Shugri iyo Wasiirka Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha, Mudane Axmed Rashiid ayaa dhagax-dhigay mashruuca dhismaha cusub ee Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha DDS, kaas oo noqonaya dhisme casri ah oo ka kooban G+5.
Dhismahan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo adeegyada maalgelinta, horumarinta warshadaha iyo fududaynta adeegyada loo fidiyo maalgashadayaasha, iyadoo la abuurayo jawi ku habboon kobaca maalgashiga iyo horumarinta wax-soo-saarka deegaanka. Dhismahan ayuuna qorshuhu yahay in lagu soo gunnaanado sanad iyo lix bilood.
"Sanadkan lacagtii ugu badnayd ayaa loo qabtay horumarinta kaabayaasha magaaloiyinka, taasi waxa ay ka turjumaysaa ahmiyada ay xukuumaddu siisay, waanuna sii xoojin doonaa Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar.
Mashruucan oo ay fulinayso shirkadda Boqare General contractor, ayaa sida oo kale ka tarjumaya muhiimadda ay xukuumaddu siinayso horumarinta kaabeyaasha hay’adaha dowliga ah iyo abuurista xarumo casri ah oo taageera qorshayaasha horumarineed ee Deegaanka Soomaalida.
XIGASHO :- SRTV