SHIRKII WADATASHIGA QARANKA OO AASAAS U DHIGAY MUSTAQBAL WANAAGSAN

Addis Ababa, 23-ka Nehase 2018 (ENA ) Shacabka magaalada Addis Ababa oo la hadlay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa xusay in Shirkii Wadatashiga Qaranka, oo markii ugu horreysay taariikhda Itoobiya lagu qabtay, uu yahay marxalad muhiim ah oo lagu xoojinayo is-afgaradka qaranka, laguna xaqiijinayo midnimada iyo horumarka Itoobiya.

 

Shirka Wadatashiga Qaranka ee Itoobiya ayaa si rasmi ah uga socday Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis, muddo 46 maalmood ah, laga bilaabo 8-da Hamle 2018 T.I. waxaana lagu soo gabagabeeyay si guul leh.

 

Itoobiyaanku waxay shirka ku muujiyeen inay awood u leeyihiin inay khilaafaadyada iyo kala-fogaanshaha soo jiitamayay muddo dheer kaga gudbaan awoodda fikirka, xikmadda iyo xal-doonka.

 

Qaarka mida Shacabka magaalada Addis Ababa oo waraysi siiyey Wakaaladda Wararka ee Itoobiya (ENA) ayaa xusay in wadatashigu yahay guul weyn oo Itoobiya u horseedaysa inay u gudubto midnimo, horumar iyo koboc dhaqaale oo ka wanaagsan kii hore.

 

Mid ka mid ah dadka aragtidooda bixiyay Mudane Taliye kontonle Abdu Hussein, ayaa xusay in wadatashigu ahaa munaasabad guul leh oo ay ka qayb qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada, laguna wada hadlay arrimo muhiim u ah dalka.

 

Waxa uu sheegay in wadatashigu suurageliyay in dhibaatooyinkii iyo khilaafaadkii muddo dheer soo jiray miiska wada-hadalka la keeno si xal loogu raadiyo, isagoo intaas ku daray in uu gacan ka geystay xoojinta qiyamka midnimada iyo wada-noolaanshaha.

 

Dhankeeda, Marwo Halima Mohammed ayaa xustay in isku dayga lagu doonayo in kala-duwanaanshaha fikradaha lagu xalliyo xoog uu yahay hab waqtigiisu dhammaaday.

 

Waxay xustay oo kale in wadatashigu abuuray jawi ku habboon in dhibaatooyinka lagu xalliyo hab ilbaxnimo leh, iyadoo sheegtay in dal lagu dhiso wada-tashi uu yahay dal guuleysta, isla markaana Itoobiya ay hadda bilowday socdaalkeeda guusha.

 

Dhanka kale Mudane Abebe Kombe ayaa xusay Dhankiisa in wadatashigu yahay arrin jiilasha soo socda anfici doonta, ayna tahay aasaas loo dhigay midnimada dalka, isagoo xusay in khibraddan ay tusaale u noqon karto dalal kale.

 

Dhankeeda, Marwo Zeritu Asbe ayaa xustay in waqtiyadii hore aysan Itoobiya lahayn dhaqan ah in dhibaatooyinka dalka lagu xalliyo wada-tashi iyo in dhinacyadu miis ku wada fariistaan.

 

Ugu dambayn dambayn Waxay xustay in wadatashigu leeyahay muhiimad weyn, maadaama wada-hadalka iyo xalinta dhibaatooyinka ay Itoobiya ka caawin karaan inay u gudubto heer ka sarreeya oo horumar iyo midnimo ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015