Farriintayda aan u dirayo dhammaan shacabka Itoobiya, gaar ahaan dhallinyarada, waa inayna xilliga xagaaga ku lumin wax aan faa’iido u lahayn.

Waa xilli roobaad. Haddii aan geedo beeranno, waxaan ka hortagaynaa nabaad-guurka ciidda. Haddii aan beeranno cambe, avokado iyo babay, waxaan ka heli doonnaa cunto iyo wax-soo-saar. Haddii aan caawinno dadka tabarta daran, guryahooda dayactirno, xaafadahooda nadiifinno, oo dayrarkooda hagaajinno, maanta oo keliya ma aha faa’iidada aan ka helayno.

 

Waqtigu wuu dhaafi doonaa, waxaana carruurteenna u sheegi doonnaa in xilliyadii aan xoogga iyo awoodda lahayn, xilliyadii aan firfircoonnayn, annaga Itoobiyaanka ahi aan si wadajir ah ugu shaqayn jirnay; ma ahayn oo keliya aabbayaasheen iyo hooyooyinkeen, balse sidoo kale dadka aan naqaan iyo kuwa aynaan aqoon.

 

In carruurteenna loo reebo sheekada ah in aynu sidaas oo kale u wada shaqayn jirnay, waxay aad muhiim ugu tahay carruurteenna.

 

Haddaba, dhallinyaradu arrintan ha ka fekeraan: qofkii xoog iyo awood leh, xooggiisa ha ku biiriyo; qofkii lacag haysta, lacagtiisa ha ku taageero; qofkii fikrad lehna, fikraddiisa iyo naqshaddiisa ha ku biiriyo; qofkii awooda inuu niyad iyo dhiirrigelin bixiyana, ha bixiyo.

 

Warbaahintuna ha noqoto mid dadka dhiirrigelisa oo kicisa. Macallimiinta ku sugan jaamacadaha kala duwanna waa inay shaqada la socdaan, kormeeraan oo dabagal ku sameeyaan, si loo xaqiijiyo in nolosha dadka reer miyiga ah loo horseedo horumar iyo nolol ka wanaagsan.

 

Muddo qarniyo ah, shacabka reer miyiga ah, gaar ahaan beeraleydu, ayaa dhabarka ku soo qaaday oo ina soo nooleeyay. Hadda ugu yaraan waa waqtigii aan iska kaashan lahayn sidii noloshoodu u horumari lahayd, u wanaagsanaan lahayd, oo ay uga gudbi lahaayeen heerkii ay hore ugu jireen.

 

Waa waqtigii aan si wadajir ah wax ugu celin lahayn beeraleyda, oo aan wax ugu celin lahayn shacabka dhabarka ku soo qaaday nolosheenna.

 

Barnaamijyada noocan oo kale ah waa inaan loo arkin wax iska fudud ama aan muhiim ahayn. Waxay beddeli karaan nolosha dadka, waxay hagaajin karaan guryahooda iyo xaaladdooda nololeed, waxayna wax ka beddeli karaan habka ay noloshooda u maareeyaan.

 

Sidaas darteed, waxaan si xooggan idiinku boorrinayaa inaan arrintan iskaashi iyo wadajir ugu qabanno.

 

Buugga la yiraahdo Laga bilaabo Meskerem ilaa Meskerem’,cadadka 8-aad, bogga 125.

Daahfurka Barnaamijka Iskaa-wax-u-qabsiga Xagaaga ee Bartamaha Itoobiya.

 

Ginbot 25, 2017 T.I

 

“Si aad u hesho buugga oo dhammaystiran, guji xiriirkan:-https://share.google/uTjPqcMG1OFDWj7Xq

Wakaalada Warka Itoobiya
2015