ITOOBIYA WAXAY XAQIIJIN KARTAA HIMILADEEDA MARIN-BADEEDKA : USTAAD JAMAAL - ENA Af-Soomaali
ITOOBIYA WAXAY XAQIIJIN KARTAA HIMILADEEDA MARIN-BADEEDKA : USTAAD JAMAAL
Addis Ababa,Naaf, 23,2018 (ENA) Itoobiya waa dal weyn oo awood u leh inay xaqiijiso codsigeeda ku aaddan helitaanka marin-badeed, sida ay u hirgelisay Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya ee (GERD), sida uu sheegay milkiilaha warbaahinta Abbay Kings Media, Ustaad Jamaal Bashiir.
Ustaad Jamaal Bashiir ayaa sheegay in Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya uu muujiyay in Itoobiya ay awood u leedahay inay si madax-bannaan u horumariso oo uga faa’iidaysato khayraadkeeda biyaha.
Ugu horeyn Ustaad Jamal Bashiir oo waraysi siiyey Wakaaladda Wararka ee Itoobiya (ENA) ayaa xusay in biyo-xireenku uu door muuqda ka qaadanayo isku xirka dalalka gobolka dhanka korontada iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka gobolka.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Biyo-xireenka Wayne ee Dib-u-curashada Itoobiya uu si dhab ah u muujiyay in iskaashiga Itoobiya iyo dalalka ku jira basin-ka Webiga Nile uu ku dhisan yahay mabda’a faa’iido-wadaagga iyo horumarinta wadajirka ah.
Ustaad Jamaal Bashiir ayaa waxaa kale oo uu xusay in aanu jirin cid ka hor istaagi karta Itoobiya inay ka faa’iidaysato khayraadkeeda biyaha, isagoo carrabka ku adkeeyay in xaqa Itoobiya u leedahay horumarinta khayraadkeeda uu waafaqsan yahay shuruucda iyo mabaadi’da caalamiga ah.
Waxa uu intaas ku daray in mashaariicda Itoobiya qorshaynayso inay mustaqbalka ka fuliso khayraadkeeda biyaha ay dalka u horseedi doonaan marxalad horumarineed oo ka wanaagsan tan hadda.
Mashaariicda waraabka, koronto-dhalinta Koysha iyo kuwo kale ayaa kaalin ka qaadanaya xaqiijinta qorshaha horumarinta Itoobiya.
Dhinaca kale, Ustaad Jamaal Bashiir ayaa sheegay in Itoobiya ay guulo ka gaadhay dhinacyo badan oo ay hiigsatay, gaar ahaan horumarinta magaalooyinka, dalxiiska iyo dhismaha dimuqraadiyad ku salaysan wadatashi iyo is-afgarad.
Waxa uu sheegay in Itoobiya ay hadda si rasmi ah u soo bandhigtay arrinta marin-badeedka oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah danaha qaranka ee dalka.
Ustaad Jamaal Bashiir ayaa ku dooday in helitaanka marin-badeedku yahay arrin la xiriirta jiritaanka Itoobiya iyo xaqa ay u leedahay inay si caddaalad ah u horumariso danaheeda, isagoo sheegay in xaqiijinta arrintaasi ay tahay xaqiiqo aan laga maarmi karin oo saaran jiilkan.
Waxa uu intaa raaciyay in xaqiiqada ah in Itoobiya ay heli doonto marin-badeed ay tahay arrin xitaa dhinacyada ka soo horjeeda ay qirayaan.
Ugu dambeyn, Ustaad Jamaal Bashiir ayaa xusay in Itoobiya, sida ay u hirgelisay Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya iyo mashaariicda kale ee waaweyn, ay sidoo kale awood u leedahay inay xaqiijiso codsigeeda ku aaddan helitaanka marin-badeed