SHIRKA GUDDIGA GOBOLKA AFRIKA EE WHO OO ITOOBIYA U ABUURAY FURSAD AY KU SOO BANDHIGTO GUULAHA AY KA GAARTAY TALLAALKA IYO CILMI-BAARISTA CAAFIMAADKA - ENA Af-Soomaali
SHIRKA GUDDIGA GOBOLKA AFRIKA EE WHO OO ITOOBIYA U ABUURAY FURSAD AY KU SOO BANDHIGTO GUULAHA AY KA GAARTAY TALLAALKA IYO CILMI-BAARISTA CAAFIMAADKA
Addis Ababa,Naaf 22,2018 (ENA) Shirkii 76-aad ee Guddiga Gobolka Afrika ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa Itoobiya u abuuray fursad wanaagsan oo ay qaaradda ugu soo bandhigto natiijooyinka iyo waxqabadka ay ka gaartay dhinacyada tallaalka iyo cilmi-baarista caafimaadka, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Machadka Cilmi-baarista Armauer Hansen, Prof. Afework Kassa.
Shirkii 76-aad ee Guddiga Gobolka Afrika ee Ururka Caafimaadka Adduunka oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Addis Ababa ayaa shalay si guul ah ku soo gabagaboobay.
Ka qaybgalayaashii shirka ayaa maanta booqday Machadka Cilmi-baarista Armauer Hansen ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay ku soo arkeen awoodaha iyo xarumaha machadka iyo sidoo kale hawlaha cilmi-baarista ee socda.
Agaasimaha Guud ee Machadka Prof. Afework Kassa, ayaa xusay in Itoobiya intii uu shirku socday ay awood u yeelatay inay wakiillada dalalka qaaradda Afrika la wadaagtay waxqabadkeeda iyo natiijooyinka ay ka gaartay dhinacyada kala duwan ee cilmi-baarista caafimaadka.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in madashu ay Itoobiya u saamaxday inay soo bandhigto guulaha ay ka gaartay falanqaynta nidaamka xogta caafimaadka, dhismaha awoodda iyo dhinaca tallaalka.
Dhanka kale wuxuu xusay in shirka uusan Itoobiya oo keliya u suurtagelin inay soo bandhigto guulaheeda la taaban karo, balse uu sidoo kale ka caawiyay inay xiriirro dhow oo dhinaca shaybaarrada iyo cilmi-baarista ah la sameysato dalalka kale ee Afrika.
Waxa uu cadeyey in nidaamyada cilmi-baarista iyo dhismaha awoodda ee lagu soo bandhigay shirka ay noqon doonaan saldhig wanaagsan oo laga duulo hawlaha caafimaad ee heer qaran iyo heer qaaradeed ee mustaqbalka.
Sidoo kale, shirku wuxuu abuuray fursad weyn oo lagu is-weydaarsado khibradaha iyo waayo-aragnimada dhinaca caafimaadka.
Prof. Afework Kassa ayaa tilmaamay in nidaamyada cilmi-baarista iyo dhismaha awoodda ee lagu soo bandhigay shirka ay noqon doonaan saldhig wanaagsan oo laga duulo hawlaha caafimaad ee heer qaran iyo heer qaaradeed ee mustaqbalka.
Waxa uu sharraxay in shirku Itoobiya iyo dalalka kale ee ka qaybgalayba u ahaa fursad wanaagsan oo lagu xaqiijiyay iskaashi iyo faa’iido wadaag.
Dhankiisa Agaasimaha Adeegyada Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Gambia Momodou Niyasi (Dr) ayaa xusay in nidaamka caafimaadka Itoobiya uu si aad ah u horumarayo, isla markaana uu ku socdo jihada saxda ah.
Waxa uu si gaar ah u xusay in Machadka Cilmi-baarista Armauer Hansen uu yahay xarun heer sare ah oo baaxaddeeda iyo awooddeeduba ku filan yihiin in ay u adeegto guud ahaan qaaradda Afrika.
Waxa kale oo uu xusay in machadku yahay xarun rajo weyn leh oo dalalka kale ee Afrika ay u diri karaan xirfadlayaashooda caafimaadka iyo cilmi-baarayaashooda si ay uga faa’iidaystaan is-weydaarsiga khibradaha, cilmi-baarista, hal-abuurka iyo waxbarashada.
Ugu dambayn wuxuu xusay inay si weyn u danaynayaan inay Machadka Cilmi-baarista Armauer Hansen la sameeyaan iskaashi dhow oo isku-dhafan, si loo horumariyo ajandaha caafimaadka Afrika loona helo xalal wadajir ah oo wax looga qabanayo caqabadaha caafimaad ee qaaradda.