HORUMARKA WAX-KU-OOLKA AH EE ITOOBIYA WUXUU KHIBRAD WEYN U YAHAY DALALKA AFRIKA - ENA Af-Soomaali
HORUMARKA WAX-KU-OOLKA AH EE ITOOBIYA WUXUU KHIBRAD WEYN U YAHAY DALALKA AFRIKA
Addis Ababa,Nahaase, 21,2018 (ENA) Dalxiisayaal ka kala yimid dalal Afrikaan ah ayaa sheegay in hawlaha horumarineed iyo ilaalinta deegaanka ee Itoobiya ay yihiin khibrad weyn oo ay ka faa’iidaysan karaan dalalka kale ee Afrika.
Ugu horey Timothy Kago oo ka yimid dalka Botswana, isla markaana muddo maalmo ah booqasho ku joogay Addis Ababa, ayaa xusay in tani ay ahayd markii ugu horreysay ee uu Itoobiya yimaado, isagoo xusay inuu aad ula dhacay hawlaha horumarineed ee uu ku arkay magaalada.
Dhanka kale Intii uu booqashada ku jiray, Timothy Kago wuxuu xusay inuu booqday mashaariicda horumarinta hareeraha webiyada, isagoo tilmaamay in hawlaha horumarinta iyo ilaalinta deegaanka ee halkaas laga fuliyay ay yihiin kuwo khibrad iyo tusaale u noqon kara dalalka kale ee Afrika.
Waxa kale oo uu sheegay inuu arkay xaaladdii hore ee hareeraha webiyada, isagoo xusay in natiijada ka muuqata Addis Ababa ay tusaale weyn u tahay sida kheyraadka dabiiciga ah loogu beddeli karo goobo madadaalo iyo nasasho oo gaar ah.
Timothy Kago wuxuu intaas ku daray in horumarinta iyo ilaalinta deegaanka ee laga sameeyay hareeraha webiyada aysan ku koobnayn oo keliya in goobahaas loo adeegsado meelo Madadaalo iyo goobo lagu nasto, balse ay sidoo kale ku jiraan dukaamo loo dhisay kobcinta dhaqdhaqaaqa dhaqaale iyo fursado cusub oo shaqo-abuur ah, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo weyn.
Wuxuu kale oo uu xusay in tani ay muujinayso in haddii uu jiro hoggaan go’aan adag leh, ay suurtagal tahay in la fuliyo mashaariic waaweyn oo horumarineed lana gaaro natiijooyin muuqda.
Waxa kale oo uu xusay in dadaalladan horumarineed ay cashar weyn siinayaan dalalka Afrika, gaar ahaan sida kheyraadka dabiiciga ah loogu beddeli karo il dhaqaale.
Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu indhihiisa ku arkay sida horumarinta hareeraha webiyada iyo ilaalinta deegaanka ee Addis Ababa ay u noqon karaan kuwo wax-ku-ool ah marka si iskaashi ah loo fuliyo.
Dhanka kale, Swazi Ebel - Ebel oo ah gabadh da’yar oo u dhalatay wadanka Cameroon, ayaa dhankeeda xustay in tani ay ahayd markii ugu horreysay ee ay Itoobiya booqato.
Waxay xustay inay ka hor intii aysan Itoobiya imaan ay xog iyo faham ka heshay hawlaha horumarineed ee Itoobiya iyo natiijooyinka laga gaaray.
Intii ay booqashada ku jirtay Addis Ababa, waxay sheegtay inay indhaheeda ku aragtay in Itoobiya ay ku jirto dhaqdhaqaaq horumarineed oo cajiib ah, iyadoo tilmaantay in arrintani ay tusaale u noqon karto qaaradda Afrika.
Ugdamabayn Waxay sidoo kale sheegtay in soo dhoweynta iyo martigelinta shacabka Itoobiya ay tahay mid gaar ah oo mudan in la ammaano.