Astaanta Hogaaminta Duulista Afrika oo Magac iyo Sharaf U Soo Hoyisay Itoobiya. - ENA Af-Soomaali
Astaanta Hogaaminta Duulista Afrika oo Magac iyo Sharaf U Soo Hoyisay Itoobiya.
Addis Ababa; Naaf 21/2018: (ENA): – Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya (Ethiopian Airlines) oo ah shirkadda duulimaadka ugu weyn uguna guulaha badan qaaradda Afrika, waxay sii xoojinaysaa hoggaaminteeda qaybta duulista caalamiga ah. Shirkaddu waxay ku caan tahay maamul hufan, ballaarin istaraatejiyadeed oo joogto ah, iyo maalgashi lagu sameeyay tignoolajiyada casriga ah.
Hada waxay noqotay buundada weyn ee isku xirta qaaradda Afrika iyo inteeda kale ee dunida.
Shirkaddu waxay awood u leedahay in ay duulimaad ku gaarto in ka badan 140 goobood oo caalami ah, iyada oo adegsanaysa in ka badan 145 diyaaradood oo casri ah. Dhanka dalka gudahiisa, waxay awooday in ay gaarto 25 goobood.
Istaraatejiyadda Hoggaaminta Hufan ee Qorshaha Istaraatejiyadeed ee 2035 Guulaha ay ku talabsatay Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya ma ahan kuwo ku timid kadis, ee waxay halkan ku soo gaartay diyaarinta iyo hirgelinta qorshayaal muddada dheer ah oo si taxaddar leh loo dejiyay.
Ka dib markii ay si guul leh u dhammaystirtay qorshaheeda "Himilada 2025" ka hor xilligii loogu talagalay, hoggaanka sare wuxuu bilaabay diyaarinta qorshaha ballaaran ee "Hindisaha 2035".
Qorshani wuxuu diiradda sarayaa kor u qaadista dakhliga shirkadda, kordhinta tirada rakaabka, ballaarinta garoomada, iyo dhiirrigelinta adeegga xamuulka oo noqday mid ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee dhaqaalaha shirkadda xilliyadii adkaa ee caalamku soo maray.
"Ujeeddadeedu ma ahan oo kaliya inaan noqonno shirkadda ugu weyn Afrika—maadaama taasi mar hore la gaaray—balse waa inaan bixinno adeeg heer caalami ah oo hufan, sahal ah, oo ammaan ah, anagoo dhiseyna isku-xirnaan dhaqaale oo hufan."—Masfin Tasawe Hoggaanka Sare ee shirkada.
Dhinaca Cusboonaysiinta Diyaaradaha iyo Tignoolajiyada Berri la Gaari Doono sida lagu qeexay warbixinnada ganacsiga caalamiga ah, Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya waxay awooday in ay hawlgaliso diyaaradaha ugu da'da yar uguna casrisan Afrika iyo caalamka.
Shirkaddu waxay so iibsatay diyaaradaha ugu sarreeya tignoolajiyada sida Airbus A350-900 & A350-1000: Kuwaas oo bixiya raaxo sarreysa oo rakaabka ah iyadoo isticmaalka shidaalkana uu sii kordhiyo waxtarka.
Boeing 787 Dreamliner: Diyaarado loogu talagalay masaafooyinka dheer oo leh jawi gudaha ah oo hawo ahaan iyo cadaadis ahaan aad u raaxo badan.
Boeing 737 MAX: Oo loo adeegsado duulimaadyada qaaradda iyo gudaha.
Shabakadda Duulimaadyada Gudaha iyo Dibadda
Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya waxay dhistay shabakad isku xirka duulimaadyada ah oo aan cid kale la barbar dhigi karin, taas oo xarunteeda koowaad ay tahay Garoonka Caalamiga ah ee Bole.
Duulimaadyada Dibadda: Shirkaddu waxay maanta u duushaa in ka badan 140 magaalo oo ku kala yaalla 5 qaaradood. Waxay isku xirtaa magaalooyinka waaweyn ee Yurub (London, Paris, Frankfurt), Ameerikada Waqooyi (Washington D.C., New York, Toronto), Aasiya iyo Bariga Dhexe (Dubai, Beijing, Mumbai, Tokyo), iyada oo dhanka Afrika ka bixisa adeeg toos ah oo tagaya in ka badan 60 magaalo.
Duulimaadyada Gudaha iyo Deegaanka Soomaalida: Gudaha dalka Itoobiya, shirkaddu waxay ka hawlgashaa in ka badan 25 goobood, iyada oo door weyn ka ciyaarta isku xirka bulshada iyo xoojinta dhaqaalaha dalka, gaar ahaan ganacsiga iyo dalxiiska. Deegaanka Soomaalida wuxuu qayb muhiim ah ku leeyahay adeegsiga shabakaddan:
Jijiga: Garoonka Caalamiga ah ee Garaad Wiilwaal wuxuu maalin kasta lahaadaa 2 ilaa 4 duulimaad oo joogto ah, taas oo kordhisa xiriirka caasimada dalka ee Addis Ababa.
Godey: Garoonka Ugaas Mirad wuxuu leeyahay 1 ilaa 2 duulimaad, taas oo door weyn ka ciyaarta isku xirka koonfurta deegaanka iyo horumarinta ganacsiga xoolaha/beeraha.
Qabri Dahar: Waxaa sidoo kale ka socda duulimaadyo lagu kalsoonaan karo oo taga Garoonka Kebri Dahar.
Akadeemiyada Duulista iyo Dhismaha Xirfadda
Salaha ugu weyn ee hufnaanta adeegga Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya waa maalgashiga lagu sameeyo kordhinta awoodda aqoonta shaqaalaha.
Akadeemiyada shirkadda ee EAA (Ethiopian Aviation Academy) waa xarunta ugu weyn ee tababarka duulista ee Afrika. Xaruntan waxay tababartaa:
Duuliyayaasha diyaaradaha heerarka sare
Injineerada iyo farsamoyaqaanada maamula hagaajinta diyaaradaha
Shaqaalaha ka shaqeeya gudaha diyaaradaha iyo adeegga macaamiisha
Maamulayaasha hawada iyo hoggaaminta duulista
Dhinaca waaxda Xamuulka iyo Saadka
Ethiopian Airlines ma ahan oo kaliya diyaarad rakaab; waaxda xamuulku waa ta ugu weyn Afrika. Xilliyadii xasillooni darrada ganacsi ee caalamka, shirkaddu waxay noqotay goobta ugu weyn ee gaarsiinta dawooyinka, tallaalka, iyo alaabaha ganacsiga. Tani waxay caddaysay dabacsanaanta iyo kartida hoggaanka sare ee dhanka maamulka.
Dhinaca U Diyaargarowga Berri iyo Adeegyada Dijitaalka ah
Tignoolajiyada dijitaalka ah waxay ka mid tahay tiirarka ugu waaweyn ee adeegga hufan. Shirkaddu waxay soo kordhisay nidaamyo online ah oo sahlaya goobaha baaritaanka, maamulida shandadaha, iyo hababka lacag bixinta ee fudud.
Waxaa sidoo kale la ballaariyay Garoonka Bole oo leh hoolal VIP ah oo heer sare ah iyo hoteello u go'an rakaabka transit-ka ah.
Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bishoftu.
Waxaa kale oo socda dhismaha mashruuca garoonka Bishoftu oo la hiigsanayo in lagu soo gabagabeeyo muddo 5 sano ah. Garoonkani waa mashruuca ugu weyn ee kabayeelka duulista ee taariikhda qaaradda Afrika, waxana loogu talagalay in uu noqdo xarunta ugu weyn ee isku xirta Afrika iyo dunida inteeda kale.
Fadhiga iyo Qiimaha Mashruuca: Qiimaha dhammaan mashruuca waxaa lagu qiyaasay ilaa 12.5 bilyan oo dollar.
Awoodda Rakaabka:Wajiga 1-aad (2030): Wuxuu qaabili doonaa 60 milyan oo rakaab ah sannadkii.
Marka la dhammaystiro: Wuxuu qaabili doonaa 110 milyan oo rakaab ah sannadkii iyo in ka badan 4 milyan oo ton oo xamuul ah, taas oo ka dhigi doonta garoonka ugu weyn Afrika.
Ugu dambeyntii, Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya waxay caddaysay in hoggaamin hufan, qorshe toosan, iyo maalgashi la taaban karo ay keeni karaan guul caalami ah oo ka timaada Afrika. Shirkaddu waxay sii ahaan doontaa tusaalaha iyo halka ay ku tilmaabsadaan ganacsiga duulista caalamiga ah.
#ethiopianairlines
#ENA