WADATASHIGA QARAN WUXUU AHAA MADAL TAARIIKHI AH OO CODKA DHINACYADA OO DHAN LA DHAGEYSTAY , GUUSHA ITOOBIYA -NA LAGU XAQIIJIYAY

Addis Ababa,Nahaase 21,2018 (ENA) Shacabka dagan caasimadda ayaa xusay in Wadatashiga Qaranka Itoobiya uu ahaa madal taariikhi ah oo lagu dhageystay codka dhammaan dhinacyada, isla markaana lagu xaqiijiyay guusha Itoobiya.

 

Shirka Wadatashiga Qaranka ee ugu weyn Itoobiya oo muddo 46 maalmood ah ka socday Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis, laga bilaabo 8-da bisha Hamle 2018 E.C., ayaa si guul leh loo soo gabagabeeyay.

 

Shirku wuxuu si dhab ah u muujiyay in Itoobiyaanku ay awood u leeyihiin in khilaafaadkii iyo kala-fogaanshihii muddada dheer soo jiray ay xal ugu heli karaan wada-hadal, isfaham iyo fikradaha oo mudnaanta la siiyo.

 

Shacabka magalada addisabababa ayaa u waranay Wakaaladda Wararka ee Itoobiya (ENA) ayaa xusay in Shirka Wadatashiga Qaranka ee muddo 46 maalmood ah socday uu ahaa mid loo dhan yahay, isla markaana si ballaaran looga qaybgalay.

 

Waxay sidoo xuseen in shirka ay ka qayb galeen 4,000 oo ergooyin ah oo laga kala soo xulay afarta gees ee dalka, kuwaas oo fursad u helay inay soo bandhigaan talooyin iyo fikrado wax ku ool ah oo dan u ah Itoobiya.

 

Ugu horeyn Mid ka mid ah dadka shacabka caasimadda oo magaceeda la yidhaa Melkam Benti ayaa xustay in Wadatashiga Qaranku uu shacabka u suurageliyay inay si siman uga qaybqaataan oo ay uga doodaan arrimaha qaran, taasoo sare u qaaday dareenka waddaniyadeed isla markaana xoojisay lahaanshaha muwaadiniintu u leeyihiin dalkooda.

 

Waxay intaasi ku dartay in geeddi-socodka wadatashigu uu muhiim u ahaa sidii loo sixi lahaa dhaawacyadii taariikheed ee dalka soo maray, loo xallin lahaa tabashooyinka, loona sixi lahaa dhibaatooyinka muddada dheer jiray.

 

Ugu dambayn waxay sheegtay in shirku door muhiim ah ka qaadan doono in Itoobiya loo gudbiyo marxalad cusub oo taariikhi ah, isla markaana dalka lagu sii wado aasaas adag oo waara.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015