SAAXIIBTINIMADA TAARIIKHIGA AH EE ITOOBIYA IYO KUURIYADA KOONFUREED OO U GUDUBTAY MARXALAD CUSUB - ENA Af-Soomaali
SAAXIIBTINIMADA TAARIIKHIGA AH EE ITOOBIYA IYO KUURIYADA KOONFUREED OO U GUDUBTAY MARXALAD CUSUB
Addis Ababa, Nahaase, 21,2018 (ENA) Saaxiibtinimada taariikhiga ah ee muddada dheer soo jirtay ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa u gudubtay marxalad cusub, sida uu xusay Safiirkii Kuuriyada Koonfureed u fadhiyay Itoobiya Jung Kang.
Madaxweynaha JDFI Taye Atsqe Selassie ayaa sagootiyay Safiir Jung Kang oo soo gabagabeeyay muddo-xileedkiisii diblomaasiyadeed ee Itoobiya.
Munaasabad sagootin ah oo lagu qabtay Qasriga Qaranka ayaa Safiir Jung Kang uu xusay in saaxiibtinimada Itoobiya iyo Kuuriyada Koonfureed ay ku dhisan tahay saldhig taariikhi ah oo adag.
Waxa uu xusay in xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal uu si joogto ah ugu sii xoogeysanayo dhinacyada istiraatiijiga ah.
Safiirku waxa xusay in natiijooyin dhiirrigelin leh laga gaaray booqashooyinka ay is-dhaafsadaan madaxda sare ee labada dal, iskaashiga dhaqaale iyo sidoo kale xiriirka dadka labada dal.
Waxa uu tilmaamay in intii uu Itoobiya joogay uu door wax-ku-ool ah ka qaatay horumarinta xiriirka labada dal iyo in loo gudbiyo heer ka sarreeya kii hore.
Safiir Jung Kang ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo mugga ganacsiga labada dal, lana xoojiyo maalgashiga iyo ka-qaybgalka dhaqaale ee shirkadaha Kuuriyada Koonfureed ay ku leeyihiin Itoobiya.
Dhanka kale wuxuu Sidoo xusay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo xiriirka dadka iyo dadka iyo is-dhaafsiga dhaqameed ee ka dhexeeya labada dal.
Ugu dambayn Safiirku waxa uu xusay rajada uu ka qabo in saaxiibtinimada taariikhiga ah ee adag ee Itoobiya iyo Kuuriyada Koonfureed ay mustaqbalka sii xoogeysan doonto, isaga oo uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Itoobiya iskaashigii iyo taageeradii ay siiyeen intii uu dalka ka shaqeynayay.