Horumarinta marinada Jigjiga: oo fursad isku sidkan u noqday dhaqaalaha iyo dalxiiska. - ENA Af-Soomaali
Horumarinta marinada Jigjiga: oo fursad isku sidkan u noqday dhaqaalaha iyo dalxiiska.
Jigjiga; Naaf 20/2019 (ENA): Caasimadda Deegaanka Soomaalida, waxay si xawli ah ugu tallaabsanaysatay weji cusub oo isku xidhaya ganacsiga,adeegyada bulshada, dhaqanka, dalxiiska iyo maalgashiga.
Jigjiga waxay isku badashay xarun muhiim u ah ganacsiga iyo dalxiiska iyadoo ka faidaysanaysa horumarinta kooridorka iyo mashaariicda bilicda magaalada oo siinaya muuqaal casri ah, waxayna abuureysa fursado cusub oo kobcinaya dalxiiska iyo dhaqaalaha.
Horumarinta marinnada magaalada waxaa ka mid ah waddooyinka casri ah ee loogu talagalay dadka lugaynaya iyo baaskiillada, goobo dadweyne oo qurux badan, nalal waddooyinka iyo ilo-biyoodyo casri ah, kuwaas oo kor u qaaday bilicda magaalada isla markaana abuuray jawi ku habboon dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha.
Xanunta dalxiiska ee shabeelle ayaa sidoo kale door muhiim ah ka qaadanaysa kobcinta dalxiiska iyo shirarka muhiimka ee hay’adaha.
Horumarinta kaabayaasha magaaladu wuxuu sidoo kale fursad u abuuray huteellada, makhaayadaha iyo goobo madadaalada iyadoo marka dalxiisku kobco ay kordhayaan fursadaha shaqo-abuurka iyo ganacsiga, laga bilaabo adeegyada martigelinta iyo gaadiidka ilaa farsamada gacanta, adeegyada dalxiiska iyo ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhex-dhexaadka ah.
Hada jigjiga ma aha oo keliya xarun ganacsi ee waxay si isa soo taraysa ugu tallaab sanaysaa inay noqoto xarun dalxiis, dhaqan, shirar, maalgashi iyo fursado dhaqaale.
Jigjiga waa magaalo kulmisay , dhaqan hodan ah, dalxiis kobcaya iyo fursado dhaqaale oo sii kordhaya.