ISKAASHI XOOGGAN OO DALALKA AFRIKA AH AYAA MUHIIM U AH CASRIYEYNTA NIDAAMKA CAAFIMAADKA - ENA Af-Soomaali
ISKAASHI XOOGGAN OO DALALKA AFRIKA AH AYAA MUHIIM U AH CASRIYEYNTA NIDAAMKA CAAFIMAADKA
Addis Ababa, 19-ka Nehaase 2018 (ENA) Agaasimaha Gobolka Afrika ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Prof. Mohammed Yacqub Janabi, ayaa xusay in kordhinta maalgashiga iyo xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah ururka caafimaadka aduunka ( WHO) ay muhiim u yihiin in Afrika ay si isku-filnaansho leh u casriyeyso nidaamkeeda caafimaad.
Shirka 76-aad ee Guddiga Gobolka Afrika ee WHO ayaa ka socda magaalada Addis Ababa, gaar ahaan Madxafka Xusuusta Guusha Adwaa.
Prof. Mohammed Yacqub Janabi ayaa sheegay in shirka 76-aad ee Guddiga Gobolka Afrika ee WHO uusan ku koobnayn oo keliya kulan iyo dood ay dalalku yeeshaan.
Wuxuu cadeyey in madashu tahay goob ay dalalka Afrika si wadajir ah uga doodaan caqabadaha caafimaad ee qaaradda, isla markaana ay ka soo baxaan fikrado iyo xalal wadajir ah.
Agaasimaha Gobolka Afrika ee WHO ayaa sheegay in horumar laga sameeyay nidaamka caafimaadka Afrika, taas oo ay horseedeen ka go’naanshaha hoggaamiyeyaasha, diyaar-garowga hay’adaha iyo xirfadlayaasha caafimaadka iyo sidoo kale iskaashiga bulshada.
Dhanka kale wuxuu xusay in Afrika ay hoy u tahay in ka badan 1.5 bilyan oo qof, ayuu sheegay in qaaraddu ay u baahan tahay inay dhisto hay’ado caafimaad oo xooggan oo waara, si ay nidaamkeeda caafimaad ugu horumariso awooddeeda gudaha.
Waxaa kale intaasi ku daray in ururuka caafimaadka aduunka ee WHO ay sii wadi doonto taageerada ay siiso horumarinta adeegyada caafimaadka ee Afrika, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in qaaraddu ay yeelato maalgashi caafimaad oo ku dhisan isku-filnaansho.
Waxa uu sheegay in himilada Afrika ay tahay mid cad, taas oo ah in la dhiso xarumo heer sare ah oo caafimaad iyo in qaaraddu ay awooddeeda gudaha ku dhisato nidaam caafimaad oo waara.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in Afrika aysan ka jirin dhibaato la xiriirta aqoon iyo kheyraad dabiici ah, balse arrinta ugu muhiimsan ay tahay in la abuuro adeegyo caafimaad oo si ballaaran bulshada loo gaarsiiyo.
Ugu dambayn wuxuu cadeyey in casriyeynta nidaamka caafimaadku ay u baahan tahay hoggaan wanaagsan, maalgashi iyo iskaashi, isaga oo xaqiijiyay in WHO ay Afrika siin doonto taageerada lagama maarmaanka ah si ay u dhisto awooddeeda caafimaad.