XOOJINTA ISKAASHIGA ISTARAATIIJIGA AH EE DALALKA AFRIKA AYAA MUHIIM U AH CASRIYEYNTA NIDAAMKA CAAFIMAADKA EE QAARADDA

Addis Ababa, 19-ka Nehaase 2018 (ENA) Madaxweynaha JDFI Taye Atsqe-Selassie, ayaa sheegay in xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee dalalka Afrika ay muhiim u tahay dadaallada lagu casriyeynayo nidaamka caafimaadka qaaradda.

 

Shirka 76-aad ee Guddiga Gobolka Afrika ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka socda Madxafka Xusuusta Guusha Adwaa ee magaalada Addis Ababa.

 

Madaxweyne Taye Atske-Selassie ayaa xusay in caqabado dabiici ah iyo kuwo ay dadku sababaan oo si joogto ah uga jira dunida ay saameyn taban ku yeelanayaan nidaamyada caafimaadka iyo caafimaadka muwaadiniinta.

 

Waxa uu tilmaamay in Afrika ay tahay inay casriyeyso nidaamyada daryeelka caafimaadka ee muwaadiniinteeda, si ay awooddeeda gudaha ugu wajahdo khataraha caafimaad ee ka dhasha isbeddellada xaaladda caalamka.

 

Madaxweynuhu wuxuu xusay in caqabadahaasi ay Afrika u abuuri karaan fursad taariikhi ah oo ay ku xoojin karto codkeeda wadajirka ah ee iskaashiga gobolka, isla markaana ay si buuxda ula wareegi karto mas’uuliyadda arrimaheeda caafimaad.

 

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Afrika ay u baahan tahay istaraatiijiyad wadajir ah oo isku dhafan, cad oo geesinimo leh, isaga oo sidoo kale ku baaqay in la kordhiyo maalgashiga gudaha ee dhinaca caafimaadka.

 

Si loo casriyeeyo nidaamka caafimaadka qaaradda, ayuu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo iskaashiga istaraatiijiga ah, lana kordhiyo wax-soo-saarka gudaha ee dawooyinka, tallaallada iyo qalabka lagu baaro cudurrada, si loo xaqiijiyo madaxbannaanida caafimaad ee Afrika.

 

Madaxweyne Taye ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo isku-duwidda wax-ku-oolka ah ee u dhexeysa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Xarunta Afrika ee Xakamaynta iyo Ka-hortagga Cudurrada (Africa CDC).

Waxa uu xusay in go’aannada ka soo baxa shirka ay tahay in lala jaanqaado yoolalka Ajandaha Afrika 2063, isla markaana si wax-ku-ool ah loo dhaqan geliyo.

 

Dhanka Itoobiya, Madaxweynaha JDFI Taye ayaa xusay in dalku caafimaadka u arko maalgashi qaran oo istaraatiiji ah, isaga oo xusay in miisaaniyadda loo qoondeeyo caafimaadka ay si joogto ah u kordhayso.

 

Waxa uu tilmaamay in maalgashiga lagu sameeyay adeegyada caafimaadka aasaasiga ah uu suurageliyay in adeegyada caafimaad la gaarsiiyo bulshada, taas oo malaayiin qof ka dhigtay kuwo ka faa’iideysta adeegyadaas.

 

Sidoo kale, waxa uu xusay in Itoobiya ay xoojisay nidaamkeeda caafimaadka iyadoo kordhisay tirada xirfadlayaasha caafimaadka, taas oo gacan ka geysatay horumar muuqda oo laga sameeyay fursadaha badbaadada hooyooyinka, dhallaanka iyo carruurta.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Itoobiya ay sidoo kale ballaarisay barnaamijka dhaxal reebka Cagaaran (Green Legacy), iyadoo malaayiin qof ka qayb qaateen beerista geedo badan, si wax looga qabto khataraha caafimaad ee ka dhasha isbeddelka cimilada.

 

Waxa uu intaa ku daray in howlaha horumarineed ee ka socda Addis Ababa ay yihiin kuwo lagu abuurayo deegaan magaalo oo nadiif ah, caafimaad qaba oo u wanaagsan dadka deggan, si loo horumariyo caafimaadka iyo heerka nololeed ee bulshada.

 

Madaxweyne Taye ayaa dhanka kale xusay in nidaam caafimaad oo waara uusan jiri karin haddii aysan jirin nabad iyo xasillooni.

Waxa uu xusay in Itoobiya Axaddii lasoo dhaafay ay qaaday tallaabo muhiim ah iyadoo qabatay wada-tashi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo ay ka qaybgaleen in ka badan 4,000 oo ergo ah oo ka kala socday aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan.

 

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in Itoobiya ay si buuxda ugu diyaar garowday inay kaalinteeda ka qaadato maalgashiga qaran, iskaashiga gobolka iyo taageerada joogtada ah ee hay’adaha qaaradda.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015