WASIIR MAQDHAS DHABA : ITOOBIYA WAXAY NATIIJOOYIN LA TAABAN KARO KA GAARTAY KA HORTAGGA IYO DAAWEYNTA CUDURRADA IYADOO ADEEGSANAYSA CAAFIMAADKA DHIJITAALKA AH

Addis Ababa, 19-ka Nehaase 2018 (ENA) Itoobiya waxay natiijooyin la taaban karo ka gaartay ka hortagga iyo daaweynta cudurrada iyadoo adeegsanaysa nidaamka caafimaadka dhijitaalka ah, ayay xustay Wasiirka Caafimaadka dalka Meqdhes Dhaba (Dr.).

 

Shirka 76-aad ee Guddiga Gobolka Afrika ee Ururka Cafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa, gaar ahaan Madxafka Xusuusta Guusha Adwaa.

 

Munaasabadda waxaa ka qayb galay Madaxweynaha JDFI Taye Atsqe-Selassie, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf,Wasiirka Caafimaadka Itoobiya Meqdhes Dhaba (Dr.) wasiirrada caafimaadka ee dalalka Afrika iyo madaxda hay’adaha caafimaadka ee heer gobol iyo heer caalami.

 

Shirka 76-aad ee Guddiga Gobolka Afrika ee hayada caafimaadka aduunka WHO ayaa gacan ka geysanaya dejinta ajandaha caafimaadka gobolka, xoojinta iskaashiga iyo dhismaha bulsho caafimaad qabta, ammaan ah oo u adkaysan karta caqabadaha ka jira qaaradda.

 

Marka la eego arrintan, Itoobiya oo martigelisay madasha ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay dhismaha nidaam caafimaad oo ku dhisan iskaashi iyo wadajir gobolka.

 

Madashu waxay sidoo kale fursad siinaysaa Itoobiya inay soo bandhigto horumarka ay ka sameysay xoojinta nidaamkeeda caafimaadka iyo wax ka qabashada arrimaha caafimaad ee mudnaanta u leh dalka, iyadoo kaashanaysa caafimaadka aduunka ee WHO iyo hay’adaha kale ee bahwadaagta la ah.

 

Guulaha dhanka caafimaadka ee Itoobiya gaartay oo ay ka mid yihiin ballaarinta helitaanka adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, xoojinta waxqabadka nidaamka caafimaadka iyo xakamaynta si guul leh cudurka faafa ee fayraska Marburg, ayaa muujinaya dadaallada joogtada ah ee dalka loogu dhisayo nidaam caafimaad oo u adkaysan kara caqabadaha.

 

Wasiirka Caafimaadka Mekdhes Dhaba ( Dr) ayaa sheegtay in saameynta isbeddelka cimilada iyo arrimo kale oo la xiriira ay saameyn taban ku yeelanayaan nidaamka caafimaadka.

 

Waxa kale oo ay xustay in Itoobiya ay dejisay istaraatiijiyad caafimaad oo heer qaran ah, taas oo looga gol leeyahay in si waarta loo horumariyo helitaanka iyo tayada adeegyada caafimaadka.

 

Wasiiraddu waxay sidoo kale xustay in Itoobiya ay ku guuleysatay inay si weyn u yareyso dhimashada hooyooyinka iyo carruurta, iyadoo kor loo qaaday awoodda xirfadlayaasha caafimaadka lana casriyeeyay qalabka iyo adeegyada caafimaadka.

 

Waxay kale oo ay cadaysay horumarinta nidaamka caafimaadka dhijitaalka ah ay Itoobiya u abuureyso awood ay ku xaqiijiso madax-bannaanida dhinacyada caafimaadka iyo tiknoolajiyadda.

 

Wasiirka caafimaaadka dalka Mekdhes Dhaba (Dr) ayaa intaasi ku dartay in Itoobiya ay gaartay Heerka Bisaylka 3-aad (Maturity Level 3) ee hayada caafimaadka aduunka ee WHO, iyadoo xustay in wax-soo-saarka gudaha uusan ahayn oo keliya arrin la xiriirta siyaasadda warshadaha, balse uu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah istaraatiijiyadda caafimaadka.

 

Dhanka kale wasiirka ayaa xustay in tiknoolajiyaddu isbeddel aasaasi ah ku sameyneyso nidaamka caafimaadka muwaadiniinta, waxay sheegtay in Itoobiya ay khibrado badan ka heshay wax ka qabashada masiibadii COVID-19.

 

Waxay sheegtay in Afrika aysan ka jirin dhibaato la xiriirta aqoon iyo xirfad, balse loo baahan yahay in si buuxda looga faa’iidaysto kheyraadka dabiiciga ah ee qaaradda.

 

Ugu dambayn Wasiir Mekdhes Dhaba (Dr.) waxay xustay in wax-soo-saarka gudaha uu muhiim u yahay xaqiijinta madax-bannaanida caafimaad ee Afrika, waxay xaqiijisay in Itoobiya ay ka go’an tahay inay iskaashi dhow la sameyso dalalka Afrika

Wakaalada Warka Itoobiya
2015